Yuusuf Garaad oo loo magcaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiyi doona QM

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sh. Maxamuud ayaa u magcaabay Yuusuf Garaad Cumar safiirka Soomaaliya u fadhiyi doona Qaramada Midoobay.


Yuusuf Garaad waa weriye rug cadaa ah, Isagoo horay u soo noqday madaxa laanta afka Soomaaliga ee BBC.

Sanadii 2012 ayuu si lama filaan ah isaga casilay shaqadii uu ka hayey daarta Bush House si uu uga qayb galo tartankii loogu jiray Hogaanka Soomaaliya.

Wixii intaa ka danbeeyey si weyn ayuu uga dhex muuqday saaxada siyaasadeed iyo tan bulsho. Si joogta ah ayuu wax ugu qori jiray boga (Mareeg) uu gaar u leeyahay.

La taliyaha Madaxweynaha ee dhanka warbaahinta ayuu hada ku magcawnaa.

Yuusuf Garaad mudo dheer wuxuu ahaa madaxa laanta afka Soomaaliga ee BBC.
Yuusuf Garaad mudo dheer wuxuu ahaa madaxa laanta afka Soomaaliga ee BBC.

Villa Soomaaliya wax war ah kama soo saarin magcaabida Yuusuf Garaad balse isaga laf ahaantiisa ayaa u xaqiijiyey warbaahinta maxaliga ah.

Wuxuu bedeli doonaa Cilmi Axmed Ducaale oo mudo dheer Soomaaliya u soo fadhiyey xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.