Israa’iil oo tijaabisay gantaal dunida ku cusub

Wasaarada Difaaca Israa’iil waxay ku guulaysatay inay markab ganacsi dushii ka rido gantaal kuwa ridada dheer ah oo bartilmaameedsan kara 400KM.


Gantaalkan waxaa qaadi doona oo uu cabir ahaan le’egyahay Kontaynar isagoo lagu xambaari doono maraakiibta caadiga ah ee ganacsiga.

IAI oo ah shirkad ay leedahay dowlada Israa’iil ayaa soo saartay gantaalkan oo ah kuwa isaga gudba dhul ilaa dhul qaadina kara 1,600-kiilo.

Gantaalka Israa'iil tijaabisay waxay ka gantay badda dhexdeeda isagoo saaran markab caadi ah.
Gantaalka Israa’iil tijaabisay waxay ka gantay badda dhexdeeda isagoo saaran markab caadi ah.

In aan la ogaan marka la ridayo iyo in si qarsoodi ah loo geeyo biyaha caalamiga ah ayaa ah sababta ay Israa’iil u soo saartay hubkan cusub.

Israa’iil oo leh ciidanka ugu awooda badan Bariga Dhexe waxay ku doodaa inay ku hareeraysanyihiin dalal ka soo horjeeda jiritaankeeda.


Carabtii colaadu ka dhexeysay Israa’iil waa kuwo isku mashquulsan oo dib u dhacay, halka uu cadowgoodu is hubaynayo.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.