Xukuumada Somaliland waxay genefka ku dhufatay Maayir labaad oo Burco loo doortay- Video

11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa maalinimadii shalay kulan aan caadi ahayn Maayir ugu doortay Cabdirisaaq Shiine Faliidh, Iyagoo xilkii ka xayuubiyey Duqii hore ee Magaaladaas Maxamed Muraad.


Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa maanta sharci daro  ku tilmaamay doorashadaas, Isagoo sheegay in Maayirka sharciga ah ee Burco leedahay uu yahay Maxamed Muraad.

Wuxuu xusay ka Xukuumad ahaan inay aad uga xun yihiin in Warbaahinta laga tebiyo in Burco yeelatay labo Maayir.

HOOS KA DAAWO SHIRKII JARAA’ID EE WASIIR WARANCADE:

Gudiga Nabadgelyada Gobolka Togdheer ayaa maanta kulan albaabadu u laabnaayeen la qaatay Xildhibaanadii shalay doortay Maayirka, Sida uu warbaahinta u sheegay markii kulankaasi soo idlaaday Gudoomiyaha Gobolkaas Maxamed Ibraahim Aadan.

Wuxuu ku sifeeyey doorashadii shalay dhacday mid aan loo marin wadiiqooyinka sharciga, Sidaa darteedna ay tahay mid aan la aqbali karin.

Gudiga Nabadgelyada Gobolka ayuu soo hadal qaaday inay waan waan ka gelayso sidii la isugu soo dumi lahaa garabyada khilaafku kala geeyey.

HOOS KA DAAWO SHIRKII JARAA’ID EE GUDOOMIYAHA TOGDHEER:

Beelaha Habar Jeclo iyo Habar Yoonis ayaa sanadii 1994 ku dagaalamay Burco, Dagaalkaas oo magaaladii u kala qaybiyey labo xaafadood oo ilaa hada loo kala degen yahay.

Herdenka u dhexeeya labadaas beelood ee salka ku haya ka arriminta Magaalada ayaa dadka reer Somalliland dib u xasuusiyey dagaaladii horay halkaas uga dhacay.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.