Xukuumada Somaliland oo ka hadashay heshiiskii Dekeda Berbera- VIDEO

Wasiiradda Arrimaha Dibada, Madaxtooyada iyo Qorshaynta oo uu weheliyo Maareeyaha Dekeda Berbera ayaa shir jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay magaalada Dubai si ay xogta heshiiskii Dekeda Berbera ula wadaagaan dadweynaha Somaliland.

Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Maareeyaha Dekeda Berbera oo si wada jir ah Shir jaraa'id ugu qabtay Dubai.
Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Maareeyaha Dekeda Berbera oo si wada jir ah Shir jaraa’id ugu qabtay Dubai.

Dhamaantood waxay si isku mid ah u difaaceen heshiiskii ay la galeen shirkada laga leeyahay Imaarada Dubai ee DPWorld kaas oo dhigayey in si rasmi ah mudo ku siman 30 sano Dekeda loogu wareejiyo shirkadaas taas bedelkeedana ay balaarin iyo dib u dhis ku samayso.

Waxay meesha ka saareen walaaca ay qabaan qaar badan oo ka mid ah Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Dadweynaha Somaliland kuwaas oo Xukuumada ku eedaynaya inay iibisay Dekedii .

Halkan hoose ka daawo shirka Jaraa’id ee Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.