Xildhibaan Seed oo la kulmay diblumaasiyiin Jarmal ah

Xildhibaan Yaasiin Seed oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kiinya maanta kulan kula qaatay diblumaasiyiin Jarmal ah, Kuwaas oo uu kala hadlay Arrimaha Soomaaliya.

Xildhibaan Yaasiin Seed.
Xildhibaan Yaasiin Seed iyo Danjire Christian .

Ku Xigeenka Safiirka Jarmlaka u jooga Kiinya isla markaana ah ergayga u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Christian Resch iyo saraakiil kale ayaa ka mid ahaa xubnihii uu la kulmay.

Doorashooyinka la qorsheeyey inay sanadkan ka qabsoomaan dalka, Xiriirka labada dal iyo kaalmada Dowlada Jarmalku siiso Soomaaliya ayaa ka mid ahaa qodobadii la isla soo qaaday.

“Sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, Isla markaana aan ugu boorin lahaa Jarmalka oo ah dal horumaray  sidii uu kaalin muuqata uga qaadan lahaa horumarinta dalkeena maadaama uu ku jiro marxalad soo kabasho ayaa ugu muhiimsanaa qodobadii aanu ka wada hadlnay” Ayuu yiri Xildhibaan Seed oo la hadlay Warsidaha Faaqidaad.

Mashaariic uu horay Jarmalku ugu balan qaaday Puntland ayuu sheegay Xildhibaanku inay isla soo qaadeen sidii loo dardargelin lahaa fulintooda.

Xildhibaan Seed.
Xildhibaan Seed.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.