Xasan iyo Uhuru oo si wada jir ah shir jaraa’id u qabtay – DAAWO

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo dhigiisa Dalka Kiinya Uhuru Kenyatta ayaa galabta shir jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay Nairobi.


Hogaamiyayaasha oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey wada hadalo ku lahaa Nairobi ayaa u sheegay wariyayaasha inay si dhow u wada shaqayn doonaan.

Amaanka iyo sidii Gobolku u ahaan lahaa mid degen oo si nabad ah loogu nool yahay ayaa ka mid ahaa qodobadii laga wada hadlay.

Madaxweynaha Kiiniya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Dowlada Soomaaliya iyo sidii la isaga kaashan lahaa danaha labada dhinac.

Kenyatta wuxuu sheegay inuu dhowaan tegi doono Muqdisho isaga oo ah weheliyaan hogaamiyayaasha urur goboleedka IGAD, Booqashadaas oo diirada lagu saari doono sidii looga wada shaqayn lahaa degenaanshaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay si wada jir ah uga shaqayn doonaan sidii loo horumarin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Wuxuu sheegay inay albaab kasta garaaci doonaan si looga gudbo caqabad kasta oo ku xeeran iskaashiga.

Xeryahay qaxootiga ee Dhadhaab oo Dowlada Kiinya horay u sheegtay inay xiri doonto, Halkaas oo ay ku jiraan boqolaal kun oo Soomaali ah ayaan lagu soo hadal qaadin shirka jaraa’id.

Laakiin qoraal ay si wada jir ah u soo saareen labada Madaxweyne ayaa lagu sheegay in arrinta qaxootiga lagu saleeyo heshiiskii hore ee sadex geesoodka ahaa.

Kiinya, Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa horay u gaaray heshiis dhigayey in aan qaxootiga si khasab ah dib loogu celin karin balse loo fududeeyo inay laabtaan kuwa iskood u go’aansada.

HOOS KA DAAWO SHIRKII JARAA’ID EE LABADA MADAXWEYNE.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.