Xalane “Waanu la xisaabtamaynaa masuuliyiinta Degmooyinka Banaadir”

Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wixii ka dhaca dagmooyinka Gobalka lagula xisaabtamayo masuuliyiinta dagmooyinka.


Xalane ayaa sidoo kale xusay wixii dhaca masuuliyadeeda inuu qaadi doono Gudoomiyaha Dagmada ay wax ka dhaceen.

Amarkan ayuu sheegay inuu soo saaray Gudoomiyaha Gobalka Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayna muhiim tahay in si dhab ah loogu dhaqmo.

Dhawaan ayey ahayd markii Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalda Muqdisho uu magcaabay gudi loo xil saaray la xisaabtanka arrimahaas.

Maamulka Gobalka ayaa dadadaal ugu jiri sidii Muqdisho u noqon lahayd mid Amnigeeda leysku halayn karo.

Xalane Afhayeenka Gobolka Banaadir.
Xalane Afhayeenka Gobolka Banaadir.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.