Wasiirkii Hawlaha Guud Cabaas Siraaji oo Muqdisho Aas-Qaran loogu sameeyay (Sawirro).

Alle ha u naxariisto Wasiirkii Hawlaha Guud ee Soomaaliya ahaana mudane ka tirsan Gollaha Shacabka ee Soomaaliya, waxaa maanta galinkii dambe Aas Qaran loogu sameeyay Qabuuro ku yaal Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Salaada Jinaasada ayaa marxuunka lagula tukaday Masjid ku yaal Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qaybgalay Madaxwaynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed cabdulaahi Farmaajo oo ka yimid dalka itoobiya oo uu booqasho rasmi ah ku joogay, Ra’iisulwasaraaha Xukuumada, Masuuliyiin ka socday golayaasha Dawladda iyo ehelada Marxuunka.

Madaxda qaranka ayaa Tacsi u diray Ehelada marxuunka iyo guud ahaanba Shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay sheegeen in baaritaan rasmi ah lagu samaynayo dilka Cabaas Siraajo oo xalay ka dhacay Nawaaxiga Villa Soomaaliya.

Baraha Bulshada ayaa maanta ilaa xalay siwayn looga hadal hayay dilka Wasiirkii hawlaha guud ahaana wasiirkii ugu da’da yaraa golaha Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre

Hoos ka Daawo Sawirro

aaa

1

aa

aaaaa

aaaaaa

Faaqidaad.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.