Wasiirkii Amniga Puntland oo dalka dib ugu laabtay

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo horay ugu dhaawacmay rasaas ay is weydaarsadeen Ciidamo ka tirsan Booliska, Ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.


Wuxuu weriyayaasha u sheegay Qarjab oo mudooyinkii ugu danbeeyey xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayey dalka Jabuuti inay xaaladiisu tahay mid wanaagsan.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay shaqada uga eryey  Taliyihii Booliska Janaral Cabdirisaaq Afguduud iyo Taliyihii Birmadka Cismaan Afdaloow oo Ilaaladoodu ahaayeen kuwii dhaawacay Wasiirka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliska Booliska, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada ayaa ka qayb galay soo dhoweyntii loo sameeyey Wasiirka.

Waxaa la arkayey Wasiirka oo cuskanaya baakoorad, Taas oo astaan u ah inuusan weli si buuxda uga soo kaban dhaawicii gaaray.

Wasiirka Amniga Puntland.
Wasiirka Amniga Puntland.

Faaqidaad.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.