Wasiir Hadliye oo hadalo is burinaya ka yiri heshiis la sheegay inuu Norway la galay- Video

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa markii ugu horaysay ka hadlay heshiis la sheegay inuu la galay Dalka Norwey, Kaas oo dhigaya in Soomaali tiro ahaan gaaraysa 500 oo dalkaas qaxooti ahaan u jooga dib loogu celiyo Dalkoodii.


Wuxuu beeniyey jiritaanka heshiiskaas mar uu la hadlayey laanta Afka Soomaaliga ee VOA, Isagoo sheegay inuu u tegey Norway Arrimo la xiriira sidii loo xoojin lahaa xiriirka Afrika iyo Wadamada Nordic-ka loo yaqaan.

Socdaalka Janaraal: Gaafoow ku joogay Oslo ayuu xusay in aanu shaqo ku lahayn aysana kala war haynin, Isku ujeedna dalkaas u tegin.

Laakiin hadalka Wasiirka ayaa ah mid is burinaya isagoo markii hore sheegay in aanu arag meel looga hadlayo arrimo qaxooti halka uu markii danbe afku ka boobay inuu u sheegay saraakiisha Dalka Norway siyaasada Soomaaliya ee ku aadan qaxootiga la soo celinayo .

Dadka xanuunsanaya, Kuwa denbiilayaasha ah iyo Kuwa ku eedaysan falal argagixiso ayuu sheegay inaysan aqbali doonin aan la soo celin karin, Hadalkaas oo ka dhigan in Dowladu ogoshahay in loo soo gacan geliyo qaxootiga kale ee caadiga ah.

Hadliye wuxuu cadeeyey in aysan meel wada geli karin in dunida loo sheego in dalku soo kabanayo iyo in la dhaho nooma soo celin kartaan qaxooti, Hadalkaas oo ah mid dhiilo weyn xanbaarsan.

HOOS KA DAAWO WARAYSIGII UU SIIYEY VOA.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.