Warbixin Muuqaal ah: Diyaaradii burburtay ee EgyptAir

Qaybo ka mid ah burburka diyaaradii la waayey ee EgyptAir ayaa laga helay iyagoo dul sabaynaya badda Mediteraniyanka sida ay xaqiijiyeen saraakiishu.

Duulimaadka Lanbarkiisu ahaa MS804 ayaa isaga kala gooshayey magaalooyinka Paris iyo Qaahir isagoo siday 66 qof oo isugu jira rakaab iyo shaqaalihii diyaarada markii hawada laga waayey xili hore oo Khamiistii ah.


Afhayeen u hadlay Ciidamada Masar ayaa sheegay qaybo ka mid ah burburkii diyaarada iyo boorsooyinkii ay siteen dadkii saarnaa in laga helay meel 290km u jirta magaalada Alexandria.

Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifataax Al-Siisi ayaa sheegay inuu shilku ahaa mid murugo badan isagoo u tacsiyeeyey ehelada dadkii diyaarada saarnaa.

EgyptAir ayaa sidoo kale xaqiijisay iyadoo adeegsanaysa barta Twitterka in la helay burburkii diyaarada.

Saraakiisha Giriiga oo qayb ka ah hawlaha baadi goobka ayaan weli ka hadlin burburka la helay.

Baadi goobka xoogiisa hada waxaa loo weeciyey sidii lagu heli lahaa sanduuqii duubayey diyaarada, Sida ay ku waramayso wakalaada wararka ee AP.

Ciidamo ka socda dalalka Giriiga, Masar, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa ka qayb qaadanaya hawlgalka lagu raadinayo diyaarada la waayey .

Masuuliyiinta Masaarida ayaa leh waxay u badantahay inay diyaarada soo rideen kooxaha argagixisada ahi marka loo eego inay wajahday cilado farsamo.

Hoos ka daawo Warbixin Warsidaha Faaqidaad ka diyaariyey.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.