Madaxweyne Gaas oo 3 Isim kulan kula qaatay Garoowe

Madaxweyne Gaas ayaa qasriga Madaxtooyada xalay kulan kula qaatay 3 ka mid ah Isimada ku sugan Garoowe, Si uu ugu qanciyo inay ka qayb galaan shirka maalinimada beri ka furmi doona Qardho.

Islaan Ciise Islaan Maxamed, Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Garaad Maxamed Cilmi Shirwac ayuu Madaxweynuhu la kulmay laakiin kulankaasi wuxuu ku soo dhamaaday natiijo la’aan, Sida loo xaqiijiyey Faaqidaad.

Kulanka caawa waxaa loo arkayey isku deygii ugu danbeeyey ee lagu doonayo sidii loogu riixi lahaa Isimada ku sugan Garoowe ka qayb galka shirka duubabka dhaqanka Soomaaliyeed maalinimada beri uga furmi doona Qardho.

HOOS KA AKHRI WARBIXINTII HORE.

Boqor Burhaan, Suldaan Siciid iyo Isimo kale.
Boqor Burhaan, Suldaan Siciid iyo Isimo kale oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Qardho.

Duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa beri shir uga furmi doonaa magaalada Qardho halkaas oo ay ku sii qulqulayeen maalmihii la soo dhaafay, Sida uu Warsidaha Faaqidaad u xaqiijiyey Sekeriye Maxamed Isticmaar oo ka mid ah gudiga qabanqaabada.

Boqorka Beesha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa shirkan martigelinaya, Isagoo balan qaaday qabashadiisa markii lagu caano shubay sanadii 2014.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka qayb geli doona furitaanka shirkaas, Sida uu fahansanyahay warsidaha Faaqidaad.

Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo ay isugu yimaadaan duubabka dhaqanka Soomaaliyeed tan iyo sanadii 2007 markaas oo Dowladii KMG ahayd ku shirisay Muqdisho, Taas oo qayb ka ahayd dadaaladii dib u heshiisiinta.

Waan waantii laga dhex waday Isimada Puntland oo burburtay.

Isku dayo lagu doonayey in lagu qanciyo raxan Isimo ah oo ku sugan Garoowe kuwaas oo horay u qaadacay ka qayb galka shirkan ayaan miro dhal noqon ilaa iyo hada, Sida ay xaqiijinayaan xogo aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo wefti uu hogaaminayo oo ka koobnaa 14 xubnood ayaa shalay gaaray Magaalada Garoowe, Halkaas oo ay shirar albaabadu u xirnaayeen kula qaateen Isimada ku sugan.


Ergeda ka timi Qardho ayaa u soo jeedisay Isimada ku sugan Garoowe inay ka soo qayb galaan shirka isla markaana wixii khilaaf ah ee dhex yaala duubabka dhaqanka Puntland xalintiisa la gudo galo marka uu shirkani soo idlaado.

Laakiin xubnaha ku sugan Garoowe ayaa diiday soo jeedintaas iyagoo dalbaday in la joojiyo shirka Isimada Soomaaliyeed lagana soo hormariyo mid la isugu keenayo kuwo Puntland.

Labadaas shardi oo ah kuwo aan meel wada geli karin ayaa burburiyey waan waantii, Waana sababta ku kaliftay weftigii Suldaan Siciid hogaaminayey inay galabta dib ugu laabtaan Qardho.

Muuqaal baahiyayaasha ku baxa afka Soomaaliga ayaa beri toos looga daawan doonaa furitaanka shirka Qardho.

Warsidaha Faaqidaad wuxuu balan qaadayaa inuu si joogta ah u soo tebin doono shirka Qardho, Fadlan nala soco.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.