War deg deg ah: Dagaal ka bilowday duleedka Carmo

Warar goor dhoweyd naga soo gaaray degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayo meel aan sidaas uga fogayn magaalada.


Goobta xabadu ka socoto waxaa ku wada sugan maleeshiyo hubaysan oo uu hogaaminayo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan iyo ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo halkaas hawlgallo u tagay.

Warku wuxuu intaas ku darayaan in ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka Gallan ay iswaydaarsadeen qoryahay daran dooriga u dhaca iyo hubkale oo culus.

Waxaa Carmo ku sugan Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Shire Xaaji Faarax, Culimo uu hogaaminayo Sh. Axmed Daad iyo Waxgarad kale, Kuwaas oo ka shaqaynayey sidii loo baaqin lahaa dagaal sukeeyo oo ka qarxa gudaha Puntland.

Xaaladda degmada Carmo ayaa kacsan, Waxaana jirta baabuur waaweyn oo daabulaysa dhallinyaro taageersan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari oo mudooyinkii ugu danbeeyey abaabul ugu jiray sidii uu u dhisan lahaa awood ciidan.

Duubabka dhaqan oo horay looga bartay inay ka shaqeeyaan nabada Puntland ayaan ilaa iyo hada wax dadaal ah ka gelin baajinta dagaal dhex mara labadan dhinac.

Wixii war ah ee ku soo kordha Faaqidaad kala soco.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.