Ciyaaraha: Wales oo taariikh cusub dhigtay

Wales wexey 3-1 uga badisay Belgium wareegii sideed dhamaadka. 1958 ayey Weles gaartay sideed dhamaadka, taas oo ahayd guusha ugu weyn ee ay kubada cagta kasoo hooyeen.


Caawa ayaa taariikh cusub waxa dhigay jiilka uu hor kacayo xidiga Real Madrid Gareth Bale oo ah laacibka ugu qaalisan dunida.

Arbacada ayey fooda is daridoonaan Portugal, afar dhamaadka Euro 2016.

Ronaldo iyo Gareth Bale ayaa si gaara isha loogu hayaa. Bale ayaa xulkiisa ilaa iminka 3 gool u dhaliyey, Ronaldo ayaa isaguna laba gool leh.

Kabaha dahabka ayey labaduba rajo kaleeyihiin. Waxa kula loolamaya Antoine Griezman oo afka hore uga dheela Faransiiska oo isaguna 3 gool u dhaliyey qarankiisa.

Wales.
Wales.

Like saar boga Faaqidaad ee Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.