Wadahadaladii u socday wadamada soo saara shidaalka oo burburay.

Wadamada soo saara shidaalka ayaa ku guuldaraystay inay ku heshiiyaan qorshe la doonayey in qiimaha shidaalka dunidu saray loogu qaado kadib markii ay isku mari waayeen wadahadalo uga socday dalka Qadar.

Shirkan waxaa isugu yimi wadamada ku jira ururka OPEC & Dalal kale oo soo saara shidaalka balse aan ururkaas ka mid ahayn sida Ruushka & Mexsico.

Wasiirka Shidaalka Nigeriya Emmanuel Ibe Kachiwku oo ka baxaya shirka markii uu burburay.
Wasiirka Shidaalka Nigeriya Emmanuel Ibe Kachiwku oo ka baxaya shirka markii uu burburay.

Dalka Iiraan ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyey ka baaqsaday inay ka qaybgalaan shirkaas iyagoo sheegay inay ka soo horjeedaan qorshaha la damacsanaa oo dhigayey in hoos loo dhigo wax soo saarka shidaalka.

Sucuudiga ayaa diiday inuu saxiixo heshiiska ilaa dalka Iiraan aqbalo taas oo soo dedejisay burburka wadahadalada.

Waxaa la saadaalinayaa inuu dalka Iiraan suuqyada u dhoofiyo shidaal tiro badan gaar ahaan qaarada Yurub mar hadii laga qaaday cunaqabatayntii horay dalkaas u saarnayd.

Wasiirka Arrimaha Dibada Qadar ayaa sheegay in dalalka xubnaha ka ah OPEC ay u baahan yihiin wakhti badan si ay dhexdooda heshiis uga gaaraan ka hor inta aysan isugu iman shir ka dhici doona dalka Ruushka bisha Jun.

Sanadkan qiimaha shidaalka dunida ayaa gaaray mudo 13 sano ah halkii ugu hoosaysay iyadoo lagu kala iibsanayey 27$.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.