Wadahadal u socda Somaliland iyo Khaatumo

Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay wadahadalka ay magaalada Caynaba kula leeyihiin Khaatumo.


Wasiir ku xigeenka Amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo si kooban Weriyayaasha ugula hadlay Hargeysa wuxu xaqiijiyey inuu socdo wadahadalku.

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Siilaanyo iyo Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayuu sheegay inay ku suganyihiin Caynabo, halkaas oo ay kula hadlayaan wefti ka yimi Khaatumo.

Wuxu sheegay in loo balami doono dhowaan wejigii labaad ee wadahadalka “Waa dad reer Somaliland ah oo yara maqnaa balse hada imanaya” Ayuu yiri Diiriye.


Si aad u rukumato wararka Faaqidaad Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.