Wadada Ceerigaabo oo 60 dareewal loo qaatay

Guddiga dhismaha wadada isku xiri doonta Ceeldaahir ilaa Ceerigaabo ayaa maanta Boosaaso kaga qaaday imtixaan 60 dareewal oo u tartamay wadida gaadiidka lagaga shaqayn doono dhismaha wadadaas.

Qaar ka mid ah dareewaladii intixaanka laga qaaday.
Qaar ka mid ah dareewaladii intixaanka laga qaaday.

Dareewalladan ayaa laga soo xulay ilaa 120 horay u soo codsatay ka shaqaynta mashruucan, xubno ka socday gudiga iyo khuburo kale ayaa joogay goobtii intixaanka lagu qaadayey.

Maxamed Mahad Ciise oo ka mid ah guddiga ayaa ka warbixiyey marxalada uu mashruucu marayo, halka Jeneraal Cali Ismaaciil oo xubin ka ah gudiga sare uu guul u rajeeyey tartamayaasha.

Gaadiidka wadada ka shaqayn doona ayey wadi doonaan.
Gaadiidka wadada ka shaqayn doona ayey wadi doonaan.

Kormeerayaashii qaadayey imtixaanka ayaa xaqiijiyey inay dhiirigelinayaan in guud ahaan shaqaalaha lagu qaato hanaan hufan oo cadaalad ku dhisan.

Qaar ka mid ah dareewaladii tartamayey oo ka hadlay madasha, waxay amaaneen habka loo maray shaqaalaysiintooda.

2

Janaraal Cali Ismaaciil oo xubin ka ah gudiga wadada.
Janaraal Cali Ismaaciil oo xubin ka ah gudiga wadada.

4-copy

10

1


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.