“Waa la celinayaa dhalinta qaxootiga ah ee ku xiran Maraykanka” Danjire Cawad

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykanka Axmed Ciise Cawad ayaa cadeeyey dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalkaas qaxooti ahaan ku galay balse loo diiday sharcigii oo tiradoodu dhantahay 40 ruux in dib loogu celina doono dalkoodii hooyo.

Madaxweynaha Maraykanka Obama iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Cawad.
Madaxweynaha Maraykanka Obama iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Cawad.

Waraysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu ku sheegay in dhalintaasi aysan haysan fursad ay ku sii joogaan dalka Maraykanka arrintoodana go’aan laga gaaray, Sidaa darteed ay ku khasban yihiin inay ku laabtaan dalkoodii.

Wuxuu meesha ka riixay eedo loo soo jeediyey oo sheegayey in Safaaradu fududaynayso sidii dhalintaas dib loogu celin lahaa, Isagoo leh nama khuseeyaan go’aamada hay’adaha Dowliga ah ee dalka Maraykanka.

“Anagu aqbalaadooda iyo diidmadooda shuqul kuma lihin, Anagu Dowlada Maraykanka hay’ada ka tirsan ma nihin, Waaxda socdaalka kama shaqayno… Mana faragelin karno shaqadooda” Ayuu yiri Danjire Cawad .

Dhalinyarada ayuu xusay inuu dareensanyahay inay dhib badan soo mareen oo lacago badan laga soo qaatay ayna jeclaan lahaayeen inay Maraykanka joogaan, Laakiin ay maxkamadi go’aan ku riday lana celinayo.


Mid ka mid ah dhalinta ku xiran Maraykanka ee la qorshaynayo in lagu celiyo Soomaaliya ayaa ku eedeeyey safiirka inuu ka shaqaynayo sidii loo celin lahaa.

Danjire Cawad wuxuu xusay inuu ka codsaday Dowlada Maraykanka inuu dhalintaas arko, Isla markaana uu damacsan yahay inuu u caqli celiyo.

HOOS KA DAAWO WARAYSIGA DANJIRAHA.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.