UK: Wararkii ugu dambeeyey ee aftida loo qaadayo Midowga Yurub

In kayar 48 saacadood ayaa ka haray Khamiista oo daka Ingiriiska ahi u dareerayaan afti loo qaadayo kasii mid ahaansha Midowga Yurub.


Waxa la galay saacadihii ugu dambeeyey intaan loo dariirin goobaha codbixinta, Siyaasiyiinta labada dhinac ayaa bilaabay iyaguna kala jiidashada dadka aan weli go’aansan halka ay codkooda marinayaan.

Raysal Wasaare David Cameron oo maanta hadlay ayaa ku eedeeyay garabka u ololaynaya bixitaanka in doodoodu ku salaysanntahay been.

Lacagta lasheegay inay gaarayso 350$ million oo UK kaga baxda todobaad walba ka mid ahaanshaha Midowga Yurub ayuu ku tilmaamay wax kama jiraan.

HALKAN RIIX SI AAD U DAAWATID WARBIXIN MUUQAAL AH OO AANU KA DIYAARINAY AFTIDA.

Turkiga ku soo biiritaankiisa Midowga Yurub ayuu ku tilmaamay mid aan dhoweyn ”3000 sanadood ayey ku qaadan doontaa Ankara inay kusoo biiraan MY” Ayuu markale ku celiyey.

David Beckham oo ah Kabtankii hore ee xulka Qaranka Ingiriiska ayaa maanta lasaftay garabka raba in MY laga sii mid ahaado. Wuxu ugu baaqay dadka aftida dhiibanaya inay ka fikiraan mustaqbalka ubadkooda.

BBC ayaa caawa dood u qabatay Siyaasiyiinta kala taageersan labada dhinac.
BBC ayaa caawa dood u qabatay Siyaasiyiinta kala taageersan labada dhinac.

Garabka u ololaynayaa in la boxo ayaa iyaguna leh Sol Campbell iyo xidigo hore oo caan ku ah kubadda cagta ayaa nala fikir ah.

George Sorow oo ah maal qabeen iyo maal gashade weyn oo dalkaan aad looga yaqaan ayaa leh ” Geniga Istarliinka qiima dhac aad u weyn ayaa ku iman doona”.

Isagoo raaciyey waxa jiri doonta in yar oo ka macaashta ka bixitaanka Yurub, Laakiin inta badan dadka saboolnimo ayaa soo foodsaaraysa.

Tan iyo markii ladilay Xildhibaanad Jo Cox saadaasha lasameeyey wexey muujinaysa in dadka raba in MY laga sii mid ahaado ay guuleysanayaan.

Dilkeeda ayaa la aaminsanyahay inay ka dambeeyaan dadka neceb soo galootiga iyo Muslimiinta.

Duqa London Sadiq Khan, Dhigiisii hore Boris Johnson iyo siyaasiyiin dhowr ah oo kala taageersan labada dhinac ayey BBC caawa dood u qabatay, Taas oo si weyn la isugu riiqday.

BBC ayaa caawa dood u qabatay Siyaasiyiinta kala taageersan labada dhinac.
BBC ayaa caawa dood u qabatay Siyaasiyiinta kala taageersan labada dhinac.

Sayeeda Warsi oo ah gabar Muslim ah horayna uga mid ahayd golaha Wasiiradda David Cameron una ololaynaysay in laga boxo MY ayaa iminka go’aansatay inay ku biirto garabka raba in MY lagasii midaahaado.

Wexey ku eedaysay dadka u ololaynaya in laga boxo Yurub nacayb.

HOOS KA DAAWO DOOD AANU U QABANAY AQOONYAHANO SOOMAALIYEED OO KU NOOL LONDON.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.