UK: Thomas Mair wuxuu ku eedaysanyahay dilkii Xildhibaanad Jo Cox

Thomas Mair oo ku eedaysan dilka Xildhibaan Jo Cox oo dhacay Khamiisti, Ayaa Sabtidii la horgeeyey maxkamada.


Garsooraha ayaa sida caadadu tahay weydiiyey magiciisa taas oo uu kaga jawaabay ”Khaa’imiintu ha dhacaan, Ingiriisku ha xoroobo”.

Eedaymaha loo haysto ayaa isugu jira dilka Xildhibaanada, dhaawaca oday waayeel ah oo u gurmaday Jo Cox markii falkani dhacayey iyo haysasho hub sharci daro ah.

Isniinta ayaa markale maxkamada la horkeeni doonaa. Garsooraha ayaa codsaday in rumaan ahaan xabsiga loogu sii hayo lana tuso dhakhaatiir dhinaca dhimirka ah si loo xaqiijiyo inuu qabo xanuuno maskaxda ah iyo in kale.

Cox waxa lagu dilay khamiistii magaalada laga soo doorto ee Bristall, wexey ahayd 41 jir, iyadoo ifka kaga tagtay laba caruur iyo aabohood.

Doorashooyinkii guud ee dhacay maajo 2015kii ayey Baarlamanka soo gashay.

wexey caan ku ahayd u doodida xuquuqda biniaadanka, Iyadoo hormuud u ahayd Xildhibaano u ololaynayey in Ingiriisku magangelyo siiyo qaxootiga Suuriya.

Intii aaanay xildhibaan noqon wexey lasoo shaqaysay Oxfam, Iyadoo ka hawl geli jitey Koonfurta Suudaan.

Jo Cox wexey katirsanayd xisbiga Shaqaalaha. Xisbiyada kale ayaa go’aansaday inaaney u tartamin kursigii ay banaysay.

Jo Cox .
Jo Cox .

Waxa kale oo la hakiyey ololihii Aftida loo qaadayo kasii mid ahaanshaha Midowga Yurub.

Ian Gow ayaa u dambeeyey Xildhibaan Ingiriis ah oo la dilo sanadii 1990kii. Wuxuu ka mid ahaa Xildhibaano dhawr ah oo dilkooda ay ka dambaysay Jabhadii gooni ugoosadka Woqooyiga Ireland ee (IRA).

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.