UK: Raysal Wasaare Cameron oo xilka ka degaya

Raysal Wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa ku dhawaaqay inuu xilka ka degi doono bisha October, Kadib markii ay dadka dalkaasi u codeeyeen in laga baxo Midowga Yurub.


Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa 10 Downing Street, Ayuu ka sheegay in hogaamiye cusub dalku u baahanyahay.

Raysal Wasaaraha ayaa doonayey in xubin laga sii ahaado Midowga Yurub, balse waa laga adkaaday.

52% codbixiyayaashu waxay u codeeyeen in la baxo.

Hogaamiyaha Xisbiga UKIP ayaa sheegay in dalka Ingiriisku “Maanta xornimadiisii qaatay”, Halka Duqii hore ee London Boris Johnson uu ku tilmaamay guul taariikhiya.

Wasiirada Koowaad ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa sheegtay inay tani carqalad ku tahay rabitaanka dadka Scottishka ah oo doonayey in laga sii mid ahaado Yurub.

Sturgeon waxay soo hadal qaaday suurtagalnimada in markale ay qabtaan afti ay madaxbanaani kaga qaataan dalka Ingiriiska intiisa kale.

Raysal Wasaare Cameron wuxuu ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo.
Raysal Wasaare Cameron wuxuu ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo.

Faaqidaad
News Desk.

Warbixintii hore.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa lagu wadaa inuu xilka iska casilo gelinka hore ee maanta, Sida ay ku waramayaan warbaahinta dalkaas.


Siyaasiyiin badan ayaa ugu baaqay inuu xilka ka dego maadaama ay u badantahay in lagaga adkaaday aftidii loo qaaday Midowga Yurub.

Sida ku cad natiijada rasmiga ah dadkii aftida ka qayb qaatay 17,410,742 waxay u codeeyeen in Midowga Yurub laga baxo, halka 16,141,241 ay u codeeyeen in laga sii mid ahaado.

82 Xildhibaan oo ka tirsan Xisbigiisa kuwaas oo u ololaynayey in Ingiriisku ka baxo Yurub, Ayaa Raysal Wasaaraha galabta ugu baaqay inuu xilka sii hayo natiijo kasta oo ka soo baxda aftida.

Laakiin dadka siyaasada saadaaliya ayaa isku raacsan in Raysal Wasaaruhu iscasili doono. Hogaamiyaha UKIP iyo Madaxii hore ee Scotland ayaa ka mid ah xubnaha ugu baaqay Cameron inuu xilka ka dego.

Wasiirka Arrimaha Dibada Ingiriiska oo ay saaxiibo dhow yihiin Camerona oo waraysi siiyey SKY TV ayaa meesha ka riixay in Raysal Wasaaruhu iscasilo.

Raysal Wasaare Cameron.
Raysal Wasaare Cameron.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.