UK: Ma la raafi doonaa Soomaalida haysta dhalashooyinka EU?

Hadii dalka Ingiriisku goostay inuu ka boxo Midowga Yurub, Sidee noqon doonaa mustaqbalka Soomaalida ku nool dalkaas ee haysta dhalashooyinka wadamada kale ee MY?


Ma la raafi doonaa?

Haa/ Maya! Waa goor hore in laga jawaabo, Laakiin xaaladu wexey noqon doontaa mid si weyn isu bedesha.

Malaayiinta Yurubiyaanka ah ee ka kala yimi min Poland ilaa Portugal mustaqbalkoodu maaha mid degan.

Wadahadalada u bilaaban doona hogaamiyayaasha Brussels iyo London waxaa udub dhexaad u noqon doona ganacsiga iyo muwaadiniinta labada dhinac ku kala nool.

Dabcan rajada dadka reer UK ee ku nool Yurubta kale iyo kuwa MY ee ku nool dalkaas waxay ku xirantahay natiijada ka soo baxda Wadahadaladaas.

Ma heshiin karaan?

Dhaqaalaha Ingiriisku wuxuu si weyn ugu tiirsanyahay Midowga Yurub, 48% badeecadaha uu dibada u dhoofiyaa waxay aadaan 27 wadan ee ururkaas ku midoobay.

2014tii Jarmalka oo keliya wuxuu u dhoofiyey alaab qiimaheedu dhan yahay $46.7 Bilyan halka uu kala soo degey $53.8 Bilyan.

lix ka mid ah todobada dal ee badeecadaha ugu badan uu Ingiriisku u dhoofiyo iyo shan ka mid ah todobada dal ee waxyaabaha ugu badan uu kala soo dego waxay ku yaalaan Yurub.

Sidaa darteed, labada dhinac waa ku khasbanyihiin inay heshiiyaan.

Heshiisku muxuu noqon karaa?

Jarmalka iyo Faransiisku waxay u dhoofiyaan Ingiriiska alaabaha warshadaysan sida gaadiidka, dabcan waxay doonayaan in aan hakad ku iman ama canshuuro xad dhaaf ah lagu soo rogin.


Laakiin Poland iyo Hungary dadka ay u diraan UK waa kuwo ka badan badeecadaha ay u dhoofiyaan, sidaa darteed waxay ku dadaali doonaan heshiis kasta inuu noqdo mid u danaynaya muwaadiniintooda dalkaas ku nool.

Ingiriisku wuxuu doonayaa in loo ogolaado adeegsiga suuqa Yurub iyo si London u sii ahaato xarunta dhaqaalaha aduunka in awood loo siiyo bankiyada fariisinka ku leh inay si xor ah uga sii shaqaystaan qaarada inteeda kale.

Laakiin UK ma doonayso in albaabadeed u sii furnaadaan soo galootiga tirada badan ee ka soo qulqulaya Yurubta kale.

Tani waxay ka dhigaysaa wadahadalada kuwo lagu jaahwareero waayo si loogu ogolaado Ingiriiska isticmaalka suuqa Yurub ka dhexeeya waa inuu suuqiisa shaqada u furaa muwaadiniinta MY.

Taariikhiyan in Midowga Yurub heshiis ganacsi lala galo maaha mid sahlan, Maraykanka oo aduunka ugu dhaqaale weyn uguna saamayn badan xataa waa ku guulaysan la’yahay.

Hadii heshiis la gaari waayo.

Dhaqaalaha Ingiriisku wuxuu si deg deg ah hoos u dhacayaa -3% halka Jarmalku lumin doono keliya -0.3%.

Waayo London waxay lumisay 27 dal oo dhan laakiin Berlin wexey weyday 1 macmiil oo keliya.

Tusaale ahaan 2014kii Midowga Yurub wuxuu cunaqabatayn dhaqaale saaray Ruushka oo xiriir ganacsi oo weyni kala dhexeeyey.

Taasi waxay dhabar jab ku noqotay dhaqaalihii Moosko oo 8% hoos u dhacay, Dabcan Brussels dhaqaale weyn ayaa ka baaqday laakiin marna ma gaarsiisnayn umana dhoweyn halka Ruushka.

Ingiriisku muxuu doonayaa?

Qolyaha guushu raacday ee u ololaynayey in laga boxo MY ayna suurtagalka tahay Raysal Wasaaraha danbe inuu dhankooda ka yimaado waxaa hal ku dhig u ahaa, Muwaadiniinta ka iman doona Burundi iyo Belgium waxay UK ka heli doonaan xaquuq siman.

Xisbiga UKIP isagu wuxuu qabaa in dadkii Ingiriiska yimi wixii ka danbeeyey 2004tii dib loogu celiyo dalalkoodii.

Xisbiga UKIP wuxuu doonayaa in UK laga saaro dhamaan Yurubiyaankii yimi wixii ka danbeeyey 2004.
Xisbiga UKIP wuxuu doonayaa in UK laga saaro dhamaan Yurubiyaankii yimi wixii ka danbeeyey 2004.

Isu socodka.

Isu socodku wuxuu ka mid noqonayaa qodobada ugu muhiimsan ee laga wadahadli doono, Waxaase hubaal ah muwaadiniinta labada dhinac in loo ogolaan doono dal ku gal la’aan (Visa) inay isaga kala gooshaan London iyo Brussels.

Dalxiisku wuxuu qayb muhiim ah kaga jiraa dhaqaalaha wadamada reer galbeedka markasta oo la adkeeyo isu socodka ama dadka Visooyin lagu xiro hoos u dhac ayaa ku yimaada.

Sidaa darteed, waa ku khasbanaan doonaan inay heshiis wax ku ool ah ka garaaan.

Soomaalida.

Ingiriiska waxaa ku nool tobanaan kun oo Soomaali ah kuwaas oo haysta dhalashada Yurubta kale, dabcan hadii aad shaqayso oo cashuur bixiye tahay waxaa leedahay rajo aad u wanaagsan oo ku xiran hadba heshiiska la gaaro.

Laakiin hadii aadan shaqaysan oo noloshaadu dowlada ku tiirsantahay waa xaalad adag, waayo dalka xuquuq uguma lihid inuu ku sii kabo, Waana suurtagal iyadoo aan lagu raafin in wakhtigu kuu dayriyo marka dhaqaalaha lagaa goosto.


In Ingiriisku si buuxda uga baxo MY waxay qaadanaysaa wakhti dheer oo xataa ku siman labo sano, Sida uu dhigayo heshiiskii Lisbon farqadiisa 50aad.

Like saar boga Faaqidaad ee Facebook.

Tafatiraha
Faaqidaad

E: editor@faaqidaad.com

  • Kelmada soo galooti waxaanu u adeegsanay dadka Yurubiyaanka ah ama haysta dhalashada wadamada Yurub ee u guuray dalka Ingiirska, Haw qaadan in aanu ula jeedno Soomaalid qaxooti ahaanta isaga dhiibay dalkaas.
  • Xuquuda qoraalkani wuxuu u gaar yahay Faaqidaad waxaanu kaa rajaynayaa in aadan si khaldan u adeegsan doonin ama idan la’aan ugu daabacan doonin mareego kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.