UK: dad caan ah oo dalbaday in Mo Farah loo aqoonsado Sir

Waxa sii kordhaya codsiyada ay soo jeedinayaan dad caan ah iyagoo dalbanaya in la siiyo Mo Farah derejada Sir, kadib markii uu ku guulaystay markii labaad biladda dahab ka ah orodka 10,000 oo mitir iyo 5000 mitir, kaas oo u horayna ugu guulaystay Olombikadii london sanadkii 2012kii.


Orodyahankan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa noqday orodyahankii ugu horayey ee Ingiriis ah oo gaara guul noocaas ah, waana ninkii labaad dunidda oo soo hooya guul tan la mid ah.

Martin Williams oo u hambalyaynaya Mo Farah bartiisa Tiwiterka ayaa ugu yeeray Sir Mo Farah.

Jimcihii wargeyska The Times ayaa ogaaday in ciyaartooy Mo Farah ku jiro loo sharaxay in loo aqoonsado Sir, Boqoradda ayaa bisha koowaad ee sanadka soo socda bixin doonta derejooyin.

Waa maxay Sir?

Waa derejo ay bixiso Boqoradda Ingiriisku taas oo lagu aqoonsanayo guusha uu qofku usoo hooyo dalkiisa, qofka loo aqoonsado derejadaas ayaa magiciisa ka hormarinaya Sir.


Si aad u rukumato wararka Faaqidaad Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.