UK: Afti loo qaadayo in Midowga Yurub lagu sii jiro iyo in laga baxo

Dadka Ingiriiska ayaa u dareeraya goobaha codbixinta maalinimada Khamiista, 26 bisha Jun oo in ka yar laba todobaad inaga xigto, Si ay uga jawaabaan afti laga qaadayo.


Aftidu waa codayn waxana ka qayb qaadan kara qof kasta oo gaarey da’da codaynta, Sua’aal ay tahay ”Haa ama Maya” jawaabteedu ayaa laysku weydiinayaa. Guusha ayaa raaci doontaa dhankii codadka badan hela.

Waa maxay sababta keentay aftida?

David Cameron ayaa balan qaaday markuu tartanka ku jiray May, 2015, Isagoo ka jawaabayey codsi sii kordhaaya oo ka imaanayey Xildhibaanada xisbigiisa iyo kuwa xisbiga (UKIP) iyagoo ku doodayey in Midowgii dadka Ingiriisku ogolaadeen 1975 uu aad isu bedelay.

Cameron oo arintaa daba socda ayaa yiri ”Waxa lasoo gaarey xiligii dadka Ingiriisku wax ka oran lahaa arintan, Meelna la saari lahaa dooda ka taagan Midowga Yurub”.

Yaa doonaya in laga boxo Midowga Yurub?

Dadweynaha Ingiriiska ayaa aad ugu kala qaybsan arintan, Ra’ ayi ururin la sameeyey ayaa muujinaysa in taageerayaasha xisbiga (UKIP) oo helay 13% codadkii doorashadii guud ee 2015kii ay aad u doonayaan in laga boxo Yurub.

Kala bar Xildhibaanada xisbiga talada haya ee (Conservative) iyo shan Wasiir oo ka tirsan Xukuumada ayaa si bareer ah ugu ololaynaya bixitaanka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada mucaardka ee xisbiga Shaqaalaha (Labour) ayaa iyaguna taageersan qorshahan.

Dadka aaminsan in laga boxo MY ayaa ku doodaya in malaayiin Geniga Ingiriiska ah kaga baxdo ka mid ahaanshahan Brussels, Iyagoo sidoo kale aad uga soo horjeeda dadka faraha badan ee ka yimaada Yurubta kale.

Yaa doonaya in xubin laga sii ahaado MY?

David Cameron.
David Cameron.

Raiisal Wasaare David Cameron, Lix iyo toban ka mida Golihiisa Wasiirada, Xisbiyada Shaqaalaha, SNP, Liberal Democrats iyo Plaid Cymru ayaa u ololaynaya kasii mid ahaanshaha Midowga Yurub.

Madaxweyne Obama iyo hogaamiyayaasha Faransiiska iyo Jarmalka ayaa kula taliyey dadka Ingiriiska inay kasii mid ahaadaan Midowga.

Dadka aaminsan in laga sii mid ahaado MY ayaa ku doodaya in Yurub tahay suuqa ugu weyn oo ay badeecadooda u iib geeyaan.

Qaxootiga ayey aaminsanyihiin inay yihiin dhalinyaro shaqo doon ah oo canshuur bixiyayaal ah kana qayb qaadanaya koboco dhaqaale ee dalka.

Danta amaanka qaranka ayaa ku jirta ayey leeyihiin kasii mid ahaanshaha Midowga Yurub.

Wadadee u wanaagsan Ingiriiska?

Wexey ku xirantahay dhanka aad ka fiiriso iyo cida aad weydiiso. Tusaale ahaan Maal qabeenada waa weyn iyo ganacsatada ayaa qaba in Yurubta isu furan iyo Canshuurta ka dhexeysa ay faa’iido u leedahay ganacsatada.

Waxay ku doodayaan hadii Yurub laga boxo in macaashkoodu hoos u dhacayo. Waxase jira ganacsato aan qabin aragtidaa.

Calanka Midowga Yurub iyo kan UK.
Calanka Midowga Yurub iyo kan UK.

Rugta Ganacsiga Ingiriiska ayaa leh 55% xubnahayagu wexey taageersan yihiin in lagasii mid ahaado Midowga Yurub.

Ra’yi ururuntii u dambaysay wexey muujinaysa in badi dadka Ingiriisku ay u codayn doonaan in laga baxo Midowga Yurub.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.