UK: 52% Dadka Ingiriisku waxay u codeeyeen in laga baxo Midowga Yurub- Rasmi

17,410,742 Waxay u codeeyeen in Midowga Yurub laga baxo, halka 16,141,241 ay u codeeyeen in laga sii mid ahaado, Sida ay ku dhawaaqday Jenny Watson oo Gudoomiyad u ah Gudiga doorashada.


52% waxay u codeeyeen in la baxo. 48% Waxay u codeeyeen in Yurub lagu sii jiro.

Guusha: Guushu waxay raacday kuwii u ololaynayey in laga baxo Yurub oo helay in ka badan kala bar codadkii la dhiibtay.

Wararkii hore

Dalka Ingiriisku waa ka baxay Ingiriiska codadka la tiriyeyna waa dhaafeen intii la rabay.

Hogaamiyaha Xisbiga UKIP Nigel Farage ayaa ku dhawaaqay in guushu dhankooda raacday dalka Ingiriiskuna uu maanta xornimadiisii ka qaatay Midowga Yurub.

Update 19: 467,017 50.8% Waxay u codeeyeen in Yurub laga baxo halka 452,480 49.2% ay u codeeyeen in lagu sii jiro.

Update 18: Natiijada codadka la tiriyey 453,743 Ka bixitaan Midowga Yurub. 425,715 Ku sii jiritaan. 16.8 Milyan oo cod ayuu u baahanyahay dhinac kastaa si guushu u raacdo.

Update 17: 370,404 Waxay u codeeyeen in laga baxo Midowga Yurub. 344,535 Waxay u codeeyeen in laga sii mid ahaado.

Update 16: 321,339 cod ayaa u codeeyey in laga baxo Midowga Yurub. 314,521 waxay u codeeyeen in laga sii mid ahaado. Natiijada ayaa iska soo daba dhacaysa laakiin ilaa iyo hada waxaa horeeya bixitaanka.


Update 15: Waxaa kor u soo kacay bixitaanka waxayna haystaan ilaa iyo hada 266,721, Qolyaha doonaya in Yurub laga sii mid ahaado oo hoos u dhacay waxay helaan 259,790 cod.

Update 14: Natiijada Swindon, 61,745 waxay u codeeyeen in laga baxo Yurub, halka 51,220 u codeeyeen in laga sii mid ahaado.

Update 13: Rajada laga qabo in Ingiriisku ka sii mid ahaado Midowga Yurub ayaa soo kacday codadka ilaa hada la tiriyey waxa u codeeyey joogitaanka 190,601 halka 171,270 u codeeyeen bixitaan.

Update 12: Lacagta Ingiriiska ee loo yaqaan pound ayaa si weyn hoos ugu dhacday kadib markii degmooyin muhiim ah sida Sunderland u codeeyeen in laga baxo Midowga Yurub.

1kii Pound ayaa lagu iibsanayey 1.50$ markii ay soo xirmeen goobaha codbixintu qiimahaas oo ahaa halkii ugu sareeyey ee uu gaaro sanooyinkan, Laakiin hada wuxuu hoos ugu dhacay 1.44$, Waa hoos u dhicii ugu xumaa ee uu saacado gudahood la kulmo tan iyo sanadii 2008.

Update 11: Codadka ilaa hada la tiriyey 161,744 ayaa u codeeyey in laga baxo Midowga Yurub halka 158,537 ay u codeeyeen in laga sii mid ahaado, dabcan waxaa hogaanka haya qolyaha doonaya in la baxo.

Update 10: Natiijada Sunderland, 82,394 ayaa u codeeyey in laga baxo Midowga Yurub halka 51,930 ay u codeeyeen in laga sii mid ahaado, Dabcan Sunderland waxa ku adkaaday qolyaha doonaya in la baxo.

Update 9: Natiijada Newcastle, 65,404 waxay u codeeyeen in laga sii mid ahaado MY halka 63,598 ay u codeeyeen in laga baxo midowgaas, Waxbadan labada dhinac isma dheera.

Update 8: Jasiirada Okney 7,189 ayaa u codeeyey in laga sii mid ahaado Midowga Yurub halka 4,193 u codeeyeen in laga baxo.

Update 7 : 95.9% (19,322) Codbixiyayaasha Gibraltar ayaa u codeeyey in laga sii mid ahaado Midowga Yurub halka 4.1% (832) oo keliya ay u codeeyeen in laga baxo.

Dadka Gibraltar oo xad la leh dalka Spain oo keliya waxay ka cabsi qabaan hadii ay ka baxaan Midowga Yurub in dalkaasi ka xirto xuduudiisa.

Update 6: Warqadii ay sida wadajirka ah u saxiixeen 85 ka mid ah Xildhibaanada Xisbiga muxaafidka ah ee doonayey in laga baxo Midowga Yurub, Taas oo Raysal Wasaaraha kaga dalbadeen inuu xilka sii hayo.




Update 5: Raysal Wasaare Cameron ayaa u mahadceliyey dhamaan intii u codaysay in Ingiriisku xubin ka sii ahaado MY iyo kumanaankii olalaha u galay arrintaas.


Duqii hore ee London Boris Johnson ayaa sheegay in codayntii soo dhamaatay, Isla markaana ay sugayaan natiijada rasmiga ah.

Update 4: 24,117 oo qof oo ka codeeyey jasiirada Gibraltar oo ka tirsan Ingiriiska balse ku dhow Spain badankoodu waxay u codeeyeen in Midoga Yurub laga sii mid ahaado.


Update 3: Hogaamiyaha Xisbiga UKIP Nigel Farage oo u ololaynayey in dalkiisu ka baxo Midowga Yurub, Ayaa leh waxay u badantahay in dadka badankiisu u codeeyeen ka sii mid ahaanshaha Brussels.

Update 2: Xildhibaanada Xisbiga Muxaafidka ah ee u ololaynayey in Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub ayaa u balanqaaday Raysal Wasaare Cameron inay daacad u ahaan doonaan.

Warqad ay si wada jir ah ugu qoreen Raysal Wasaaraha 82 Xildhibaan oo uu ka mid ahaa duqii hore ee London ayey u sheegeen inuu haysto sharciyadii uu dalka ku hogaamin lahaa natiijo kasta oo ka soo baxda aftida.

Update 1: Goobaha codbixinta guud ahaan dalka Ingiriiska ayaa hada (22:00) soo xirmay, Waxaana la wada sugayaa natiijada dhabta ah taas oo beri subax si rasmi ah loogu dhawaaqi doono.


Saadaalin hordhac ah oo ay samaysay YouGov ayey ku sheegtay in 52% dadka Ingiriisku u codeeyeen in laga sii mid ahaado Midowga Yurub halka 48% u codeeyeen in laga baxo.

Gudiga doorashada ayaa hada shirjaraa’id qabtay iyagoo sheegay in si habsami leh aftidu ku soo dhamaatay, Natiijada rasmiga ah ayey xuseen inay beri subax ku dhawaaqi doonaan.

Natiijada hordhaca ah waxaa la filayaa in caawa saq dhexe lagu dhawaaqo.

Bogan markasta oo war cusub soo dhoco waa cusboonaysiinaynaa, Fadlan markale soo booqo waxaa suurtagal ah daqiiqad kasta inaad ka hesho warar cusub oo aftida la xiriira.

Odayaal ka codaynayey maanta London.
Odayaal ka codaynayey maanta London.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.