Ugu yaraan 15 ayaa ku dhintay weerarkii Hoteel Naasa hablood

Ugu yaraan 15 ayaa ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen Hoteel Naasa hablood, Sida ay Boolisku sheegeen.


Ciidanka ayaa dib ula wareegay Hoteelka, Kadib markii ay halkaas u daateen dad badana afduub u qabsadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka dhimashadooda la xaqiijiyey waxay isugu jiraan ilaaladii hoteelka, rayid iyo qaar ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday.

Goobaha caafimaadka ayaa la gaarsiiyey dhaawac badan, Laakiin weli lama xaqiijin karo tiro rasmi ah.

Al-Shabaab ayaa qarax la eegtay afaafka hore Hoteelka, Ka hor intii aysan gudaha u daadan maleeshiyo ka tirsan ururkaas, Sida uu Reuters u sheegay Gaashaanle Nuur Faarax oo ka tirsan Booliska.

Mid ka mid ah dadkii dhaawacu soo gaaray.
Mid ka mid ah dadkii dhaawacu soo gaaray.

Faaqidaad
Qaybta warqabadka.

______________________________________


Warbixintii hore:

Al-Shabaab ayaa qarax la eegtay afaafka hore Hoteel Naasa hablood ee Muqdisho, Ka hor intii aysan gudaha u daadan maleeshiyo ka tirsan ururkaas, Sida uu Reuters u sheegay Gaashaanle Nuur Faarax oo ka tirsan Booliska.


Hoteelka gudihiisa waxaa hada ka socota rasaas xoogan taas oo ay is weydaarsanayaan ciidanka dowlada oo halkaas gaaray iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo dad badan afduub ahaan u haysta.

“Waxay ku bilaabeen ismiidaamin kadibna Hoteelka ayey u daateen. Hada gudaha ayey ku jiraan rasaas xoogana waa socotaa” Ayuu yiri Gaashaanle Nuur Faarax.

Wax khasaare ah oo la soo sheegay ma jiraan, Laakiin waa goor hore in laga hadlo khasaaraha maadaama xabadu socoto aagaasna aan weli la geli karin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa ka dhacay Muqdisho.

“Mujaahidiintu waxay ku jiraan gudaha hoteelka waana dagaalamayaan” Ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.