Tuulo ku taal Cumaan oo sadex saacadood oo keliya laga soomo- Video

Celcelis ahaan Muslimiinta ayaa sooma 15 saacadood maalin walba, Iyadoo meelaha qaar cadceedu aad u kulushahay.


Dalalka qaar waxa laga soomaa saacado intaa ka yar tusaale ahaan Malaysia waxa la soomaa 13 saacadood iyo 36 daqiiqo, Halka Koonfurta Ustaraaliya laga soomo sagaal saacadood oo keliya!

Laakiin Tuulo ku taal dalka Cumaan ayaa laga soomaa 3 saacadood iyo 30 daqiiqo. Cimilada oo ah mid qabow darteed qofku ma dareemi karo haraad.

Tuuladan ayaa lagu magcaabaa Wakaan waxayna ku taal dhul buuralay ah gobolka Nakhal ee dalka Cumaan.

Wakaan ayaa dhulka ka saraysa 2000m, Qoraxda ayaa u soo baxda 11 subaxnimo iyadoo dhacda 2:30 duhurnimo.

Waxa adag tegitaanka tuuladan, Wadooyinka oo dhex mara togag iyo dhul buuraley ah darteed, Wakaan wexey u jirtaa Caasimada Cumaan ee Masqad oo laga soomo 15 saacadood masaafo dhan 150km.

Qoraxda oo aad u qabow iyo meesha ay ku taal oo aad u qurxoon ayaa ka dhigtay meel dad badani u dalxiis tagaan.


Wakaan ayaa dhacda buuraha silsilada ah ee xajar oo teedsan wadamada khaliijka carabta. Waa dhul beeraha ku wacan waxaana ka baxa Rumaan, Cinab iyo geed mirood kale oo farabadan.

HALKAN RIIX SI AAD U DAAWATID WAKAAN WARBIXINTEEDA.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.