Turkiga: Waanu ka baxaynaa heshiiskii qaxootiga ee reer Yurub nala galeen

Madaxweynaha Turkiga Erdogan.
Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Baarlamaanka Turkigu wuxuu joojin doonaa heshiiskii qaxootiga ee aanu la galnay Yurub hadii dadkayga aan loo ogolaan inay dal ku gal (Visa) la’aan ugu safraan wadamada ku bahoobay midowgaas, Sidaa waxaa ku hanjabay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Midowga Yurub ayaa leh Turkiga waxaa looga baahan yahay inuu buuxiyo  shuruudo gaar ah, Kuwaas oo ay ku jiraan inuu bedelo sharcigiisa la dagaalanka argagixisada, Dalabkaas oo Ankara diiday.

Heshiiska labada dhinac wada galeen ayaa looga gol leeyahay in lagu joojiyo qaxootiga tirada badan ee ku soo qulqulaya qaarada Yurub.

Sidoo kale Erdogan wuxuu sheegay dhaqaalihii uu Midowga Yurub u balan qaaday in aan ilaa iyo hada la soo deyn.

Waxaa sii kordhaya calaamadaha muujinaya in aan Turkidu dhamaadka bishan ugu safri karin dalalka Midowga Yurub dal ku gal la’aan, Sidii heshiisku dhigayey.

Raysal Wasaarada Dalka Jarmalka Angela Merkel oo Isniintii la kulantay Erdogan waxay leedahay lama haysto wakhti ku filan si qodobkaas loo fuliyo.

Turkigu wuxuu dhowr jeer ku celceliyey in gebi ahaan heshiisku burburi doono hadii aan la fulin dhamaan qodobadii lagu heshiiyey.

Heshiiskii ay horay u wada gaareen Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa dhigayey in wixii ka danbeeya 20 March, 2016 qaxootiga sida sharci darada ah ku soo gala dalka Giriiga dib loogu celiyo Dalka Turkiga.


Halkii qof oo Suuriyaan ah ee lagu celiyo Turkiga bedelkiisa Midowga Yurub wuxuu soo qaadanayaa mid ku sugnaa xeryaha qaxootiga kaas oo sifo sharci ah u soo dalbaday magangelyo.

Qodobka ugu weyn ee labada dhinac isku mari la yihiin si loo fuliyo balan qaadkii ahaa in dadka Turkidu dal ku galaan ugu safraan Yurub waa sharciga la dagaalanka argagixisada ee dalkaas.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Yurub ayaa ku eedeeyey Ankara inay u adeegsanayso sharcigaas sidii ay ugu caburin lahayd warbaahinta.

In badan oo ka mid ah Soomaalida magangelyada soo weydiista dalalka Yurub ayaa soo mari jiray Turkiga.

Heshiiska Yurub la gashay dalkaas wuxuu ka dhigan yahay in la xiray marinkaas muhiimka u ahaa soo galootiga.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.