Turkiga: Qarax xoogan ayaa lala beegsaday bartamaha Istanbuul

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qarax xoogan oo lala beegsaday gaari ay wateen Boolisku oo marayey bartamaha Magaalada Istanbuul, Sida ay sheegayaan saraakiishu.

Gaari Bas ah oo Boolisku lahaayeen ayaa qaraxa lala eegtay.
Gaari Bas ah oo Boolisku lahaayeen ayaa qaraxa lala eegtay.

Miinooyinka meelaha fog laga hago ayaa ku qarxay Bas ay ciidanku saarnaayeen Degmada Beyazit subaxnimadii hore ee maanta.

Gaadiidka deg dega ah ee gurmadka caafimaadka iyo kuwa dabka damiya ayaa halkaas loo diray waxaana la arkayey wadadaas oo xiran ayna soo buux dhaafiyeen laamaha amaanku.

Goobta qaraxu ka dhacay waxay u dhowdahay Vezeciler oo ah oo meel laga raaco tareemada yar yar ee magaalada isaga kala dhex goosha, Sidoo kale waxay saaran tahay oo looga lugayn karaa Jaamacada Istanbuul, Masaajidka caanka ah ee Suleymaniye iyo Dhismaha Dowlada hoose ee Istanbuul.


Ilaa iyo hada ma jirto koox sheegatay masuuliyada qaraxaas, Laakiin dhowr qarax oo horay u dhacay sanadkan gudihiisa waxaa sheegtay maleeshiyaadka Kuridada ah ee dagaalka kula jira Dowlada kuwaas oo doonaya inay ka goostaan dalka intiisa kale ama la siiyo xukun daakhili awood badan siinaya Gobolada ay degaan.

Faaqidaad + Wakaaladaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.