Turkiga oo ku gacansayray dalabkii Sucuudiga

Turkigu wuxuu ku gacansayray dalabkii Sucuudiga ee ahaa inuu xiro saldhigiisa ciidan ee Qadar si xal loogu helo xiisada Khaliijka.


Wasiirka Difaaca Turkiga Fikri Isik ayaa sheegay inuusan weli arag dalabka, balse aysan marnaba xiri doonin saldhigooda.

Ankara waxay ku doodaysaa saldhigu inuu damaanad qaad amni u yahay Khaliijka aysana aqbali doonin codsi kasta oo xadgudub ku ah xiriirka ay la wadaagto Qadar.

Erdogan wuxuu la saftay Qadar isagoo si joogta ah ugu baaqa in xayiraada laga qaado Qadar.
Erdogan wuxuu la saftay Qadar isagoo si joogta ah ugu baaqa in xayiraada laga qaado.

Hadalka ka soo baxay Turkigu wuxuu ku soo aaday wax yar kadib markii xulufada uu hogaamiyo Sucuudiga ay 13 dalab hordhigeen Dooxa.

Dalabyada Sucuudigu soo jeediyey waxaa ka mid ah in Qadar xirto saldhiga ciidan ee ay siisay Turkiya iyo inay xiriirka u jarto Iiraan.


Turkigu wuxuu si weyn u taageeray Qadar markii xayiraada la saaray isagoo u diray ciidamo, biyo iyo cunto.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.