Turkiga oo ciidamo geeyey Qadar

Guutadii ugu horeeysay ee ciidamada Turkigu waxay gaareen Qadar, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Dooxa. Talaabadani waxay timi iyadoo xiisadi ka jirto Gobolka.


Ciidamada Turkigu waxay ka bilaabi doonaan tababarka ugu horeeya saldhiga Tariq bin Ziyad, sida ay ku warantay warbaahinta oo soo xiganaysa warsaxaafadeedka Qadar.

Xoogaga Turkigu waxay ku biireen 90 Askari oo horay uga joogay saldhiga ciidamada ee Tariq bin Ziyad, sida laga soo xigtay sarkaal diiday in la magcaabo.

Gaadiidka Gaashaaman ee Ciidanka Turkiga oo ku sugan saldhiga ay ku leeyihiin Qadar | ©  © Qatar News Agency / Reuters.
Gaadiidka Gaashaaman ee Ciidanka Turkiga oo ku sugan saldhiga ay ku leeyihiin Qadar | © © Qatar News Agency / Reuters.

Dhoolatus wadajir ah oo ku saabsan la-dagaalanka argagixisada iyo nabad ilaalinta ayey wada qaban doonaan Turkiga iyo Qadar , sida ay sheegtay jariidada The Peninsula.

Wuxuu ku soo aaday dhoolatuskani maalmo kadib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu qalinka ku duugay heshiis u ogolaanaya inuu ciidamo u diro Qadar.


Sucuudiga iyo dalal uu hogaaminayo ayaa go’doomin ku haya Qadar iyagoo ku eedaynaya inay taageerto kooxaha xagjira, Dooxa waa beenisay eedahaas.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.