Turkiga: ma aqoonsan baasaboorka Somaliland

Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Olgan Bekar oo maanta shir jaar’id ku qabtay Muqdisho ayaa beeniyey warar sheegayey in dalkiisu aqoonsaday baasaboorka Somaliland.


“Ma aqoonsanin baasaboorka maamulka Somaliland, Fiisooyinkana waxaan ku siinaa warqado, baasaboorkaasina wuxu agtayda ka yahay teesaro aqoonsi oo kale” Ayuu yiri Bekar.

Bekar wuxu hadalkiisa ku sii daray in Ankara sii wadi doonto wadahadaldii u dhexeeyey dowlada Federaalka iyo maamulka Somaliland.

Sidoo kale, safiirku wuxu xaqiijiyey inay ka codsadeen maamulka Somaliland inuu xiro xarumaha hay’ada Nile ku leedahay deegaanadaas balse aanay weli ka helin jawaab celin.

Danjire Olgan Bekar.
Danjire Olgan Bekar.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa horay u sheegay in aanay eryi doonin hay’adaas ayna sii wadi doonto shaqooyinkii ay ka haysay halkaas.


Si aad u rukumato wararka Faaqidaad Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.