Turkiga: 36 ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday garoonka Ataturk

Sadex qof oo ismiidaamiyaal ah ayaa rasaas ku furay albaabka hore ee laga galo garoonka diyaaradaha Ataturk ee Istanbul iyo gudaha terminaalka, ka hor intii aysan isku qarxin halkaas.


Ugu yaraan 36 qof ayaa ku dhintay weerarkaas in ka badan 140 kalena waa ku dhaawacmeen, Sida ay dowladu xaqiijisay

Raysal Wasaare Binali Yildirim wuxuu sheegay in calaamado la hayaa muujinayaan inay weerarkan ka danbayso kooxda la magac baxday dowlada Islaamiga ah.

Qarax xoogan ayaa markiiba ka dhacay qaybta laga galo garoonka, iyadoo la maqlayey rasaas ka dhacaysa qoriga Kalashnikovka.

Warbaahinta dalkaas ayaa ku waramaysa in ugu yaraan laba qarax lala beegsaday garoonka ayna u egtahay inuu ahaa weerar si weyn loo soo qorsheeyey.

Dad badan oo meyd ah ayaa daadsan garoonka.
Meydad badan ayaa daadsan garoonka.
qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay oo isbitaalda loo gurayo.
qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay oo isbitaalda loo gurayo.

Weeraradii ugu danbeeyey ee Turkiga ka dhacay waxaa masuuliyadooda sheegtay kooxaha gooni u goosadka ah ee Kuridada.

Like saar boga Faaqidaad ee Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.