Trump oo soo dhoweeyey ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa soo dhoweeyey aftidii dadka Ingiriisku ku go’aamiyeen in dalkoodu ka baxo Midowga Yurub.


“Waa wax weyn in dadka Ingiriisku dib u soo ceshadaan dalkooda” Ayuu yiri Trump oo warbaahinta kula hadlayey Scotland halkaas oo uu ku yimi booqasho ganacsi.

Weriyayaasha ayaa wax ka weydiiyey siduu u arko in 52% dadka Ingiriisku u codeeyeen in dalkoodu ka baxo Midowga Yurub, Wax yar kadib markii uu ka soo degay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah.

“Waxaan qabaa inay ahayd wax weyn oo dhacay, Waxay ahayd codbixin la yaab leh oo taariikhiya” Ayuu ku jawaabay Trump.

Wuxuu sii raaciyey “Dunida oo dhan dadku waa caraysanyihiin, Waxay ka caraysanyihiin xuduudahooda, Waxay ka caraysanyihiin dadka imanaya dalkooda oo qaadanaya aanayna jirin xitaa cid garanaysa kuwa ay yihiin”.

Bartiisa Twitterka ayuu ku qoray inuu tegey dalka Ingiriiska halkaas oo dadku dib ula soo noqdeen dalkoodii, Waana sida aynu Maraykanka dib ugu soo celinayno oo kale.

“Asal ahaan, Waxay dib u soo ceshadeen dalkooda” Ayuu yiri Trump oo si weyn u soo dhoweeyey go’aankii dadka Ingiriisku kaga bexeen Midowga Yurub.

Wuxuu wax aad u xun ku tilmaamay in Raysal Wasaare Cameron xilka ka dego, (Halkan ka Akhri iscasilaada Cameron).

Trump wuxuu booqanayaa dalka Ingiriiska.
Trump wuxuu booqanayaa dalka Ingiriiska.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.