Talyaaniga iyo Spain oo fooda isdari doona wareega 16aad ee Euro 2016

Euro 2016 oo si xalad leh uga socda Faransiiska ayaa galay wareegyadii kala reebta, kooxdii laga badiyo ayaa boorsooyoonkooda xirxirandoona.


Kulanka ugu adag wareeg 16aad ayaa dhex mari doona Talyaaniga iyo Spain. Euro 2012kii ayey ahayd cayaartii kama dambaysta marakay labadan kooxood isku arkeen, Spain ayaa kulankaa afar gool iyo eber ku badisay sidaasna koobkii ku qaaday.

Waxa laysweydiinaya Talyaanigu ma aargudan doonaa mise Spain ayaa badin doonta, sidaana ugu sii dhowaan doonta qaadista koobkii sadeexaad ee Yurub oo isku xiga.

Bortuqiiska ayaa si dirqi ah ugu gudbey wareega 16aad. Sadexdii kulan ay cayaareen sadexdaba barbardhac ayey ku dhamaysteen, wexey ka midnoqdeen afarta kooxood oo dhibcaha ugu badan helay kooxaha kaalimaha sadexaad galay, sidaasna ayey nasiib ugu yeesheen ugudbida wareega 16aad.

Hoos kadaalaco sida kooxuhu isugu aadeen Wareega 16aad iyo goorta kulamadaa lacayaari doono.

Saturday, June 25
Switzerland vs. Poland — Saint-Etienne (3 p.m. CET/9 a.m. ET, ESPN)
Wales vs. Northern Ireland — Paris (6 p.m. CET/12 p.m. ET, ESPN)
Croatia vs. Portugal — Lens (9 p.m. CET/3 p.m. ET, ESPN)

Sunday, June 26
France vs. Ireland — Lyon (3 p.m. CET/9 a.m. ET, ESPN)
Germany vs. Slovakia — Lille (6 p.m. CET/12 p.m. ET, ESPN)
Hungary vs. Belgium — Toulouse (9 p.m. CET/3 p.m. ET, ESPN)

Monday, June 27
Italy vs. Spain — Saint-Denis (6 p.m. CET/12 p.m. ET, ESPN2)
England vs. Iceland — Nice (9 p.m. CET/3 p.m. ET, ESPN2)

ciyaarahaHadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.