Switzerland: Dadweynaha ayaa diiday lacag bil le’ah oo dawladu siin lahayd

77% dadka reer Switzerland waxay diideen Afti la weydiiyey oo ku saabsanayd in ay ogol yihiin iyo in kale in dawladu siiso qof walba oo muwaadin ah oo qaan gaar ah $2600 halka da’ayartana lasiinayo $650 bil walba.

Lacagtaas ayaa qof walba uu heli lahaa bil walba ha shaqayo ama yuu shaaqayn, haduu sabool yahay iyo haduu ladan yahayba.

Dadka switzerland oo ah 8.1 Million bixinta lacagtaasi wexey Dawlada ugu kici lahayd $200 billion Sandkii. 23% ayaa ogolaaday hir’gelinta hidisahan taas oo ka dhigan in aanu dhaqan gelayn.


Natiijada cod bixi yayaashu wexey muujineysaa in dadka reer Switzerland ku qanacsanyihiin sida dhaqaalaha wadanku u shaqaynayo umana muuqato inuu u baahan yahay in wax aad u weyn laga bedelo”, Sidaa waxa yiri Alain Berset oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qaabilsan Dowlada Federaalka.

Dadka riixayey hirgelinta Mashruucan ayaa ku dooday in lacagtani u ogolaanayso dadka waaweyn inay dhimaan saacadaha shaqada isla mar ahaantaana ku noolaadaan nolol wanaagsan.

Aftida soo jeedinteeda waxa lahaa dad isugu jira qoraa iyo indheergarad. Dimuqraadiyada tooska ah ee Switzerland ayaa u ogol Muwaadiniinteeda in soo jeedintooda lageliyo Afti dadweyne hadii ay keenaan saxiixa 100,000 oo qof oo laqaba fikirkooda.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.