Sweden: “Si dhow ayaanu ula shaqayn doonaa UK” Stefan Löfven

Raysal Wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay natiijada aftidii Ingiriisku kaga baxay Midowga Yurub, Laakiin wuxuu yiri si dhow ayaanu ula sii shaqayn doonaa London.


“Sababo badan darteed waxaa dantu ugu jirtay inay u codeeyaan ka sii mid ahaanshaha MY, Laakiin dabcan waanu ixtiraamaynaa natiijada aftida, dadku waxay muujiyeen go’aankooda, taasi waa sida ay tahay” Ayuu yiri Löfven.

Wuxuu yiri Sweden waxay xiriir fiican la leedahay UK waana sii wadi doonaa xiriirkaas. Waa muhiim in Sweden ku sii socoto iskaashiga xoogan ee ay la leedahay wadamada ku sii haray Midowga Yurub.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu yiri “Sweden waxay lumisay jaale muhiim u ahaa marka ay timaado Midowga Yurub dhexdiisa”

Stefan wuxuu xusay in aanay Midowga Yurub u fiicnayn in wadan ka baxo, Laakiin tan muhiimka ah in la xasuusto ay tahay in intii badnayd weli midowga ku sii jiraan.

Hogaamiyaha Xisbiga bidix Jonas Sjöstedt ayaa sheegay in la joogo wakhtigii Sweden dib ugala xaajoon lahayd Brussels xubinimadeeda iyo In la dhimo awooda Midowga Yurub.

Laakiin Raysal Wasaare Löfven wuxuu ku tilmaamay masuuliyad daro in lagu baaqo Afti ama in Stockholm dib uga xaajooto xubinimadeeda xiligan oo Sweden iyo Yurub u baahan yihiin xasilooni.

Stefan Löfven, Raysal Wasaaraha Sweden.
Stefan Löfven, Raysal Wasaaraha Sweden.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.