Sweden iyo Ireland oo barbar dhac galay

Xulalka qaranka Sweden iyo Jamhuuriyada Ireland ayaa 1:1 isku mari waayey ciyaaraha Euro 2016 ee ka socda Faransiiska.


Ciyaaryahayn Hoolahan ayaa xulka Sweden u keenay daqiiqadii 48aad goolka kaliya ee ay heleen.

Daqiiqadii 71aad ayuu ciyaaryahan Clark u keenay Ireland goolkii barbar dhaca.

Qaybtii hore ee ciyaarta waxaa loo arkayey inay guushu raaci doonto Sweden, Sababta oo ah xidigooda Zlatan Ibrahimovic ayaa soo bandhigay ciyaar aad loola dhacay.

Laakiin xulka Ireland ayaa qaybtii danbe ee ku soo galay dardar xoog leh, Taas oo u saamaxday inay la yimaadaan goolka barbar dhac.

Biljamka iyo Talyaaniga oo ka wada tirsan Kooxda E ayaa goor danbe fooda is dari doona.

Sweden iyo Jamhuuriyada Ireland oo barbar dhac galay.
Sweden iyo Jamhuuriyada Ireland oo barbar dhac galay.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.