Sucuudiga oo Qadar hor dhigay shuruudo adag

Xulufada uu Sucuudigu hogaamiyo ee go’doominta ku haya Qadar ayaa u soo bandhigay 13 shuruudood oo hadii ay fuliso lagaga qaadi doono xayiraada.


Sida laga dalbaday mudo 10 maalmood ah Qadar waa inay xiriirka ugu jarto Iiraan, damiso warbaahinta Aljazeera, ayna xirto saldhiga ciidan ee Turkiga.

Shuruudahan oo loo gudbiyey Kuweyt oo garwadeen ka ah xiisada Khaliijka ayaa lagaga dalbaday Qadar inay bixiso magdhow maaliyadeed.

Gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga oo ku sugan xarunta ay ku leeyihiin Qadar | © Qatar News Agency / Reuters.
Gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga oo ku sugan xarunta ay ku leeyihiin Qadar | © Qatar News Agency / Reuters.

Sidoo kale waxaa laga doonayaa Qadar inay soo wareejiso dadka ku sugan dalkeeda ee falalka argagixiso kaga eedaysan xulufada.

Dooxa waa inay joojiso dhaqaalaha ay siiso ururada xagjira sida Akhwaanul Muslimiin iyo kuwa uu Maraykanku u aqoonsanyahay argagixiso.


Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn waxay horaantii bishan u jareen xiriirkii diblumaasiyadeed Qadar iyagoo ku eedeeyey inay maalgeliso ururo xagjira, Dooxa waa beenisay eedahaas.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.