Spain si dirqi ah ayey kaga adkaatay Jamhuuriyada Czech

Xulka qaranka Spain ayaa 1:0 kaga adkaatay dhigooda Jamhuuriyada Czech, Ciyaaraha Euro 2016 oo maalintii afraad ka socda dalka Faransiiska.


Ciyaaryahayka Piqué ayaa u saxiixay xulkiisa goolka keliya ee ay sida dirqiga ah ugu badiyeen daqiiqadii 87-aad. Ciyaarta oo ahayd mid adag oo la isku mari waayey.

Spain oo lumisay weeraryahano ay mid yihiin Xavi iyo Xabi Alonso, Ma soo bandhigin ciyaar wanaagsan oo koobka loogu saadaaliyo.

Xulka Jamhuuriyada Czech oo muujiyey dadaal dheeri ah waxaa la oran karaa nasiib ayaa lagaga badiyey.

Piqué ayaa goolka guusha u dhaliyey Spain.
Piqué ayaa goolka guusha u dhaliyey Spain.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.