Soomaaliya waxay si caro leh ugu jawaabtay Odinga

Safiiraka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire jamaal Maxamed Xassan ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal Raila Odinga yiri oo ahaa in Aduun weynuhu aqoonsado Somaaliland.


Jamaal wuxu ku tilmaamay hadalka Raysal Wasaarihii hore ee Kiinya mid masuuliyad daro ku dheehantahay, meel ka dhacna ku ah midnimadda dhuleed ee Soomaaliya.

Odinga ayaa sheegay mar uu hadal ka jeedinayey xarunta cilmi baarista Chatham House ee ku taal London inuu taageersan yahay madaxbanaanida Somaliland.

“Waxan taageersanahay in Somaaliland madaxbanaani hesho. Wexey ila tahay inay haystaan qiil,” Odinga ayaa yiri mar laweydiiyey su’aal ku saabsanayd Somaaliland.

Laakiin, Danjire Jamaal oo u waramay Wargeyska The Star ayaa ku tilmaamay hadalka Odinga mid aan nuxur lahayn oo su’aal gelinaya midnimada Soomaaliya.

Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri Soomaalida arimeheeda waa in iyaga uun looga dambeeya. Siyaasinta shiisheyena waa inay ka gaabsadaan ka hadalka arimaha gudaha Soomaaliya.

”Midnimadda iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya waa lama taabtaan,” Ayaa lagu yiri war Safaaraddu soo dhigtay barteeda Twitterka.


Falanqaynta Faaqidaad.

Raila Odinga oo mudo dheer xiriir fiican la lahaa Somaliland si joogta ahna ula kulmi jiray masuuliyiinta maamulkaas, hadalkiisu maaha lama filaan.

Odinga oo labo jeer ku guuldaraystay in loo doorto Madaxweynaha Kiinya wax badan ma tari karo Hargeysa waayo galaangal fiican kuma leh Xukuumada xilka haysa.

Waa suurtagal inuu ku riixo beesha caalamka inay aqoonsadaan Somaliland, hadii uu ku guulaysto madaxtinimada Kiinya oo uu markii sadexaad u sharaxanyahay.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Raila Odinga.
Madaxweyne Siilaanyo iyo Raila Odinga.

Hadalka Odinga ayaa yimi usbuuc kadib markii uu booqasho ku tegey Hargeysa Peter Munya oo ah Godoomiyaha Gobolka Meru ee qaadku ka boxo.

Munya oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay inuu ku qanciyey madaxda Kenya in kor loo qaado maamuuska Somaliland.


Munya ayaa leh suuqa miiroowga Somaaliland waxa inaga soo geli kara ila 40 bilyan oo shillinka kenya ah sanad kasta.


Si aad u rukumato wararka Faaqidaad Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.