Soomaaliya: Qorshaha qaranka oo la soo bandhigay

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay weheliyaan Raysal Wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo saraakiil ka socota beesha caalamka ayaa ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayey qorshaha qaranka.


Qorshahani wuxuu saldhig u noqon doonaa hiigsiga dowlada ee sadexda sano ee soo socoda iyadoo laga amba qaadi doono mashaariicda dalka laga fulinayo.

Mashaariicda Soomaaliya mudnaanta koowaad u leh ayna u baahantahay in beesha caalamku ka gacan siiso ayaa ka mid ah qoraalada ku duugan buugan oo ka kooban ku dhowaad 200 oo bog.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in qorshahani muhiim yahay maadaama aanu awal dalku lahayn mid la mid ah oo tixraac u noqda hiigsiga dowlada.

Xubnihii beesha caalamka ee kulankaas ka soo qayb galay ayaa balanqaaday inay dowlada ka gacan siin doonaan sidii ay qorshahan u meel marin lahayd.

Qorshahan waxaa soo diyaarisay Wasaaradda qorshaynta qaranka.
Qorshahan waxaa soo diyaarisay Wasaaradda qorshaynta qaranka.
Wakiiladii ka socda beesha calaamku waxay balan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan.
Wakiiladii ka socday beesha calaamku waxay balan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan.

Like saar boga Faaqidaad ee Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.