Soo gudbinta xubnaha Aqalka Sare oo dib u dhacay

25 Bishaan oo ah maalin Axad ah ayay ahayd in maamul Goboleedyada Soomaaliya oo ay qayb ka yhiin Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe oo aan maamul lahayn inay soo gudbiyaan xubnaha Aqalka Sare u matalaya kuwaas soo xulistooda ay leeyihiin Madaxwaynayaasha maamulada oo la tashanaya Odayaasha dhaqanka.


Jadwalka doorasho ayaa ay samayn ku yeelan doontaa dib u dhaca ku yimid baarlamaanka Aqalka Sare oo ka kooban 54 xubnood, waxaana dib u dhacu yimid xili shaki laga muujinayay in doorashada Soomaaliya ay markale dib u dhac farsamo ku imaan karo

Qabsoomida doorashada Soomaaliya ee Sanadkaan 2016 ayaa waxa tiirka koowaad u ah dhismaha Aqalka Sare ee baarlamaanka, kaas oo Maamulka Puntland uu sharuud ka dhigay in uu noqdo talaabada koowaad ee loo qaadayo dhanka doorashada.

Madasha wadatashiga qaranka ayaa soo dhiraan dhirsay doorashada.
Madasha wadatashiga qaranka ayaa soo dhiraan dhirisay doorashada.

Faaqidaada oo la xariirtay masuuliyiin ka tirsan Gudiga doorashada dadban ee Puntland ayaa xaqiijiyay in la qorsheeyay 14 maalmood in lagu daro wakhtigii horay loogu heshiiyay doorashadu inay dhacdo taas oo ka dhigaysa in doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya ay dhacdo Bartamaha bisha November ee sanadkaan.

Ugu dambayntii Musharaxiinta u tartamaysa Xilka Madaxwaynaha ayaa horay shaki uga muujiyay Arrimaha doorashada in wakhtigii loogu talo galay ay ku dhici waayaan, waxaana Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ay u arkaan in wakhtigii ka dhamaaday si sharci daro ahna uu dalka ku hogaaminayo.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.