Somaliland: Xirsi waa Gudoomiyaha cusub ee Xisbiga Waddani

Waxa soo id’laaday wada-hadaladii u socday Xisbiga Waddani iyo garabkii horay u qaadacay shirweynihii Xisbiga Kulmiye ee la magac baxay Isbaahaysiga dimuqraadiyad doonka, Sida uu fahansanyahay Warsidaha Faaqidaad.


Garabkan oo mar hore wada-hadalo la furay Xisbiyada mucaaradka ayaa goostay inay ku biiraan Waddani oo uu xilgan hogaanka u hayo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi (Ciro).

Qaar ka mid ah xubnaha garabkan ayaa danaynayey inay ku biiraan UCID maadaama mustaqbalka xisbigaasi aanu weli meel cago dhigan ayna suurtagal tahay in Musharax cusub oo bedela Jamaal Cali Xuseen dib loo doorto, Taas oo ka dhigan inay ka dhex tartami karaan golaha dhexe.

Laakiin Isbaahaysiga dimuqraadiyad doonka ee Kulmiye ayaa ku tuhmay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe inuusan daacad ka ahayn mucaaradnimada. Xiriir adag oo hoosena la leeyahay Madaxtooyada iyo Musharax Muuse Biixi Cabdi.

Shir dhacay.

Gudoomiye Ciro ayaa geliyey wakhti badan sidii uu ugu soo dabaali lahaa xisbigiisa garabkaas ka soo biyo diiday Kulmiye oo la aaminsan yahay inay miisaan u yeeli doonaan doonidii ay fuulaan.

Xisbiga Wadani ayey u badan tahay inuu Musharaxooda Madaxweynenimo u doorto Gudoomiyaha xiligan Cabdiraxmaan Ciro.
Xisbiga Wadani ayey u badan tahay inuu Musharaxooda Madaxweynenimo u doorto Gudoomiyaha xiligan Cabdiraxmaan Ciro.

Kulan uu la qaatay qaar ka mid ah saraakiisha Xisbiga ayuu u sheegay inay suurtagal tahay inuu garabkaa u bandhigo inay qaataan Gudoomiyenimada Xisbiga, Isagana loo caleemo saaro musharaxa rasmiga ah sidaas’na lagu galo doorashada.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa ka caraysiiyey qaar ka mid ah xubnihii goobta joogay, Balse wuxuu ugu caqli celiyey in aysan suurtagal ahayn in laga adkaado Kulmiye hadii aan la kala dhantaalin xulufaysiga ay sida hoose ugu jiraan beelaha degan Bariga Burco iyo Gebilay.

Gudoomiyaha cusub.

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan ayaa noqon doona Gudoomiyaha cusub ee Wadani marka dhowaan si rasmi ah loo soo bandhigo heshiiska, Isla markaana la qabto shirweyne aan caadi ahayn kaas oo lagu dooran doono Musharaxiintii Xisbiga ugu ordi lahaa doorashada Madaxtooyada, Sida uu fahansanyahay Faaqidaad.

Maxamed Biixi Yoonis oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa ka mid ahaa xubnaha ay suurtagalka ahayd inay qabtaan jagada Gudoomiyenimada. Hase ahaatee maadaama ay isku beel ka soo jeedaan Musharaxa Kulmiye waxaa loo arkay inay ku adkaan doonto inuu codad badan u keeno Xisbiga.

100 Xubnood ayaa loogu dari doonaa Golaha dhexe ee Xisbiga garabka ka soo go’ay Kulmiye, Sida uu dhigayo hindise heshiis qabyo ah oo aanu soo aragnay.

Falanqayn.

Hadii heshiisku sidaa u dhaco dhaqaale iyo siyaasad ahaanba Wadani waxay u tahay guul taariikhi ah. Sababta oo ah xisbigaas oo markii hore Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku eedayn jirtay in hal reer maamulkiisa u badan yihiin wuxuu noqon doonaa mid loo dhan yahay.

Wuxuu mar ahaa ninka ugu awooda badan Xukuumada Siilaanyo ka hor intii aanu xilka ka degin.
Xirsi wuxuu mar ahaa ninka ugu awooda badan Xukuumada Siilaanyo ka hor intii aanu xilka ka degin.

Shalay Siilaanyo maanta Biixi isbaahaysiga ku dhisan ee ka kooban beelaha degan Bariga Burco iyo Gebilay wuxuu noqon doonaa ugu yaraan mid la wiiqay. Waayo Xirsi oo ka jeeda Burco wuxuu ku leeyahay halkaas galaan gal badan oo uu ku kala furfuri karo codadka Kulmiye kaga xisaabtamayo Gobolkaas.

Wadani wuxuu u baahan yahay maalqabeen bari taara si ay uga gaashaantaan Dhaqaalaha tirada badan ee Ganacsade Maxamed Siciid Aw- Yuusuf ku taageerayo Muuse Biixi. Cida keliya ee booskaas u buuxin karta waa Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) oo la aaminsan yahay inuu jeebka u furi doono Xisbigii uu ka dhex arko Xirsi.

Caqabada ugu weyn ee heshiiskaasi wajihi karo waa xifiltanka u dhexeeya beelaha kala degen Bariga iyo Galbeedka Burco oo iyagu mudo dheer aan lahayn xiriir wanaagsan.


Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.