Somaliland: Sanad guuradii 25aad ee ka soo wareegtey markii gooni loo go’ay, Warbixin

Soomaaliland waxaa maanta looga dabaal degey sanad guuradii 25aad ee ka soo wareegtey markii ay ku dhawaaqday inay ka goosatay dalka Soomaaliya intiisa kale sanadii 1991.

Dadweyne u dabaal degeya 18 May, Hargeysa.
Dadweyne u dabaal degeya 18 May, Hargeysa.

Sida caadiga ah sanadkasta 18 May Xukuumadu iyadoo kaashanaysa qaybaha dadweynaha waxay soo abaabushaa dabaal degyo lagu xusayo maalintaas laakiin sanadkan waxaa loo xusay si aan horay loogu arag sababta oo ah Somaliland waxay jirsatay rub qarni.

Madaxweyne Siilaanyo, Xubnihiisa Golaha Wasiiradda, Masuuliyiinta asxaabta mucaaradka, Mudanayaal ka tirsan labada Gole, Odayaasha dhaqanka iyo dadweyne tiro badan oo ka socday qaybaha bulshada ayaa ka qayb galay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday Hargeysa.

Cutubyo ka tirsan Laamaha kala duwan ee ciidamada ayaa socod ku maray Madaxweynaha hortiisa iyagoo salaan sharaf siinayey.

Khudbada Madaxweynaha.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu jeediyey khudbad uu diirada ku saaray gooni istaaga, Heshiiskii Dekeda Berbera, Xiriirka ay la leeyihiin wadamada Gobolka iyo mustaqbalka ictiraaf caalami ah oo ay Somaliland hesho.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la hadlay dadweynaha.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa la hadlay dadweynaha.

Wuxuu meesha ka saaray suurtagalnimada in Somaliland markale dib ula midowdo Soomaaliya isagoo leh isku darkii Koonfur iyo Woqooyi ee sanadii 1960 wuxuu noqday mid aan la mahadin.

“Haddii Soomaliyi wada noolaan kari weyday, wuxuu caqliga fayoobi ina farayaa inay iskeed u kala noolaato, Haddii wax la wadaagi kari waayo, waxa furan in wax la kala yeesho” Ayuu yir Madaxweyne Siilaanyo.

Wuxuu si weyn u difaacay heshiiskii ay la galeen Shirkada laga leeyahay Dalka Imaaraadka kaas oo dhigayey in DPWorld mudo 30 sano ku siman lagu wareejiyo dekeda maamulkeeda isagoo leh dan weyn ayaa ugu jirta heshiiskaas qaranka.

“Shirkaddani waxay sida ugu dhakhsaha badan u dhisi doontaa Deked cusub oo casriya oo 400 oo mitir ah iyo Container Terminal. Sidoo kale, waxa dib u hagaajin iyo qalabayn lagu samayn doonaa dekeddeena jirta oo u baahan dayactir badan” Ayuu yiri mar uu ka hadlayey heshiiskii DPWorld.

Wuxuu balan qaaday inay heshiiskaas u gudbin doonaan Golaha Wakiilada Somaliland si uu u helo sharciyada uu ku dhaqan galo.

Inuu dareesan yahay sida ay u saluugsan yihiin Somaliland beelaha degen Gobolada Sool iyo Sanaag ayuu taabtay isagoo ugu baaqay wada hadal iyo in dariiq nabadeed lagu xaliyo wixii tabasho ah.

“Waxaan xog-ogaal ka ahay in qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool iyo Sanaag Bari ay ku jirto tabasho iyo saluug. Somaliland waxay ku soo caano-maashay in khilaafka dhexdooda yimaadda ay ku dhamaystaan wada-hadal, is-qancin iyo isu-tanaasul” Ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood waxaa isku dhacay dadweyne caraysan oo diidanaa dabaal dega 18 May iyo ciidamada amaanka oo isku deyey inay kala diraan.

Falanqaynta Faaqidaad.

Mudo 25 sano ah Somaliland waxay ku guuldaraysatay inay bulshada caalamka ka iibiso qadiyada gooni isutaaga si ay u hesho aqoonsi caalami ah welina waxaa loo aqoonsan yahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

Laakiin mudadaas waxay ku naaloonaysay nabad marka loo eego Soomaaliya inteeda kale, Xukun daakhili ah oo u gaar ah iyo Doorashooyin si joogta ah uga qabsoomayey.

Miisaaniyada Somaliland ayaa u koraysay si xawli ah iyadoo ku dhow $400,000 Milyan taas oo awood u siisay inay wax badan ka qabtaan adeegyada bulshada sida in dugsiyada hoose/ dhexe laga dhigo lacag la’aan.

Shaqo la’aanta baahsan iyo maqnaanshaha maalgashi caalami ah si loo sameeyo shaqo abuur ayaa ku riixay in badan oo ka mid ah de’yartii rajo xumo iyo inay dalka ka tahriibaan.

Nabadgelyada ayey markasta Somaliland siisaa muhiimada koowaad waana tan sababtay in 40% miisaaniyadu aado laamaha amaanka.

Miisaaniyada Somaliland inteeda badani waxay aadaa Ciidamada.
Miisaaniyada Somaliland inteeda badani waxay aadaa Ciidamada.

Dhibaatada ugu weyn ee Somaliland haysata ayaa ah sidii qadiyada gooni isutaaga looga dhaadhicin lahaa dhamaan beelaha degen deegaanadaas gaar ahaan Warsangeli, Dhulbahante iyo Samaroon oo iyagu aaminsan midnimada Soomaaliyeed sida uu fahansan yahay warsidaha Faaqidaad.

Dib u dhaca doorashooyinkii Madaxtooyada iyo tii Golaha Wakiilada ayaa wax iska caadi ah noqday taas oo sawir xun ka bixisay hanaanka dimuqraadiyada oo ah badeecada ugu weyn ee Somaliland dibada u iib geyn karto si ay u hesho saaxiibo badan oo dhankeeda u soo janjeera.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Hoos ka daawo khudbadii Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey xuska 18 May.

Faaqidaad.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.