Somaliland: Reer Cigaal oo dhul laga dhacay

Qoyska AHN Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa sheegay in laga dhacay dhul ay ku lahaayeen magaalada Berbera, iyagoo ugu baaqay xukuumada Somaliland inay wax ka qabato.


Cali Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ah curadka AHN Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa ku cawday inay kala wareegtay dhul ay mudo dheer lahaayeen dowlada hoose ee Berbera.

Warsaxaafadeed uu soo saaray ayuu ugu baaqay Xukuumada Somaliland, Golayaasha sharci dejinta iyo dhamaan qaybaha bulshada inay gacan ka siiyaan sidii loogu soo celin lahaa dhulkaas.

“Waxaan ogaysiinayaa Salaadiinta iyo Xukuumada in nala ka dhacay dhulkii marxuum Cigaal lahaa ee uu Siyaad Barre ka xishooday inuu qaato kuna daro xeradii mileteriga ee uu markaa sameeyey” Ayuu yiri.

Madaxweyne Siilaanyo ayuu ka codsaday inuu xaalada wax ka qabto.
Madaxweyne Siilaanyo ayuu ka codsaday inuu xaalada wax ka qabto.

Warsaxaafadeedkiisaa oo nuqul ka mid ahi soo gaaray Faaqidaad ayuu kaga codsaday reer Saaxil inay wax ka qabtaan xaqdarada lagula kacay, isagoo ku eedeeyey masuuliyiinta Gobolkaas inay boobeen.

“Reer Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal may mutaysan mana geyaan in dhulkii awoowgood lahaa la bililiqaysto laguna daawado xaqdaradaa” Ayuu sii raaciyey Cali oo sii wata hadalkiisa.

Wuxu xasuusiyey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo shacabka Somaliland in AHN Cigaal ahaa masuul ku suntan cadaalad, sidaa darteed ay maanta magan uga yihiin in la dhowro xuquuqdooda.


AHN Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxu Raysal Wasaare ka soo noqday Soomaaliya. 1993 ayaa loo doortay Madaxweynaha Somaliland jagadaas oo uu hayey ilaa uu ka geeriyooday 2002dii.


Si aad u rukumato wararka Faaqidaad Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.