Somaliland: qaranland mise qabiilland?

Shir in ka badan laba todobaad ka socday magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa lagaga dhawaaqay sanadii 1991 gobolada woqooyi inay ka goosteen dalka Soomaaliya intiisa kale.


Somaliland waxay ka koobantahay dalkii la odhan jirey “maxmiyadda Somaliland” ee Ingiriisku gumaysan jiray, sida ku cada dastuurka u degsan qodobkiisa 1aad iyo kiisa 2aad.

Dadka degan goboladii Ingiriisku gumaysan jiray oo ka koobnaa shan intii aysan dhicin dowladii Soomaaliya waa kuwo mabaadii ahaan ku kala duwan qadiyada gooni isutaaga.

Woqooyi Galbeed iyo Togdheer ayaa si weyn looga taageeraa in Somaliland noqoto dal madaxbanaan, halka Awdal, Sool iyo Sanaag ay doonayaan in laga sii mid ahaado Soomaaliya.

Calanka Somaliland.
Calanka Somaliland.

Warbixintan kagama hadlayno arrimahaas, keliya waxanu ku eegaynaa in maamulka Somaliland yahay mid ay ka dhex muuqdaan beelaha degan deegaanada uu sheegto iyo in kale.

Isaaq, Samaroon, Ciise, Dhulbahante, Warsangeli iyo Fiqishini ayaa ah beelaha ugu deegaanka balaaran dhulka Somaliland waloow ay jiraan kuwo kale oo tiro badan.

Qaab dhismeedka Qaranka

Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeerdejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Sida uu dhigayo dastuurka Somaliland qodobkiisa 37aad farqadiisa 2aad.

Xeerdejinta

Xeerdejintu waxay ka koobantahay labo waaxood oo kala ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida, waxase awooda badankeeda leh wakiilada.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi (Ciro) waa gudoomiyaha golaha wakiilada, halka Saleebaan Maxamuud Aadan uu yahay Gudoomiyaha Golaha guurtida. labaduba waxay ka soo jeedaan beesha Isaaq.


Xubnaha baarlamaanka Somaliland (Wakiilada) oo ka kooban 82 ayey beeluhu u kala heleen sidan: Isaaq 57, Samaroon 13, Ciise 1, Dhulbahante 6, Warsangeli 4, Fiqishini 1.

Si dastuurka wax looga bedelo waa inay soo jeediyaan 1/3 (saddex-meelood meel) ka mid ah tirada guud ee Golaha Wakiilada, taas oo u dhigan 28 xildhibaan.

Samaroon, Ciise, Dhulbahante, Warsangeli iyo Fiqishini oo marka la isku daro leh xubno dhan 25 ma soo jeedin karaan in dastuurka wax laga bedelo xataa hadii ay isu kaashadaan.

Xildhibaanada beesha Isaaq waxay ansixin karaan ama diidi karaan mooshin iyo xeer kasta oo Golaha wakiilada la horkeeno, si kasta oo ay u diidan yihiin xubnaha ka soo jeeda beelaha kale, sababta oo ah waxay haystaan aqlabiyad buuxda.

Fulinta

Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo.

Golaha Fulintu/ xukuumada waxa madax u ah Madaxweynaha, waxayna ka koobanyihiin ku xigeenkiisa, Wasiirada, Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir ku xigeenada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dabcan ka soo jeeda beesha Isaaq ayaa hogaamiya waaxdan.

Ugu yaraan 70% ka mid ah xukuumada waxay ka soo jeedaan isla beeshaas oo iyadu haysata wasaaraddaha ugu miisaanka culus, sida Maaliyada oo la miisana ah 4 wasaaradood.

Garsoorka

Maxamadda Sare waa hay’adda ugu sarraysa Garsoorka; isla markaana waxay tahay Maxamadda Dastuurka. Sida ku xusan dastuurka qodobkiisa 101aad.

Aadan Xaaji Cali oo u dhashay beesha Isaaq ayaa ah gudoomiyaha maxkmada sare ee Somaliland.

Nidaamka Siyaasadeed


Qodobka 9aad ee dastuurka farqadiisa 1aad ayaa u dhigan “Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talowadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.”

Farqada 2aad ee isla qodobkaas ayaa lagu jaan gooyey tirada xisbiyada sadex, halka farqada 3aad lagu yiri “waxaa reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad.”

Kulmiye, Wadani iyo UCID waa sadexda xisbi ee xiligan ka jira Somaliland, ayna u xirantahay saaxadda siyaasadeed maadaama sharcigu aanu ogolayn urur 4aad.

Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi (Ciro) iyo Faysal Cali Waraabe ayaa gudoomiyayaal ka kala ah xisbiyadaas, dhamaantood waxay ka soo jeedaan beesha Isaaq.

Doorashada Madaxweynaha

Siyaasi kasta oo doonaya inuu u tartamo hogaanka Somaliland waa inuu soo sharaxo mid ka mid ah sadexda xisbi qaran.

Cabdiraxmaan Ciro. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna musharaxa madaxweyne.
Cabdiraxmaan Ciro Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna musharaxa madaxweyne.

Doorashadooyinka madaxtooyada ee dhowaan la filayo inay ka qabsoonto Somaliland, sadexda xisbi waxa ugu kala sharaxan jagada madaxweynaha:

Jamaal Cali Xuseen, Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Ciro, dhamaantood waxay ka soo jeedaan beesha Isaaq, taas oo ka dhigan in beelaha kale aysan u tartami doonin jagada madaxweynaha.

Qaranland mise qabiilland?

Waxa jira xilal kale oo miisaan leh sida taliyayaasha ciidamada, agaasimayaasha guud iyo madaxda hay’adaha madaxbanaan, kuwaas oo ugu yaraan 80% ay hogaamiyaan xubno u dhashay beesha Isaaq.

Muhiimada warbixintani maahayn in aanu ku eegno dhamaan xilalka maamulka Somaliland, taas bedelkeeda waxaanu diirada ku saaraynay xilalka muhiimka ah ee tiirarka u ah maamulkaas sida uu qabo dastuurku.


Su’aasha ah Somaliland Qaranland mise qabiilland? ee aanu uga dhignay warbixintan cinwaanka warsidaha Faaqidaad ma danaynayo inuu ka jawaabo, sidaa darteed wuxu ka tegayaa iyadoo furan oo qofkasta ka jawaabi karo.


Halkan riix oo ka daawo muuqaalka warbixintan


Tafatiraha Faaqidaad
Xuquuqda qoraalkani waa mid u gaara warsidaha Faaqidaad lagumana xadgudbi karo.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.