Somaliland oo Puntland kaga adkaatay Dharkayn-Geenyo

Sool wuxuu ka mid yahay Gobolada ay ku muransanyihiin maamulada Somaliland iyo Puntland oo mid kastaa dhankiisa u sheegto.


Hargaysa iyo Garoowe sida caadiga ah waxay ku tartamaan sidii ay saamayn dhaqan, dhaqaale iyo mid siyaasaadeed ugu yeelan lahaayeen Goboladaas.

Tartanka ay ugu jiraan sidii mid kastaa kan kale uga soo jiidan lahaa quluubta beelaha ku dhaqan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle waa mid weyn.

Dharkayn-Geenyo.

Labo beelood oo walaalo ah ayaa dhowaan isku fara’saaray deegaanka Dharkayn-Geenyo, Iyagoo halkaas iskaga dilay ku dhowaad 30 qof.

Culimo, Cuqaal iyo Waxgarad kale ayaa markiiba bilaabay baaqyo iyo dadaalo looga gol’leeyahay sidii colaadaas lagu soo afjari lahaa.

Si ay xaalada u dejiyaan, Maamulka Somaliland wuxuu ka diray Hargaysa raxan Wasiiro ah, Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Cali Sandule  iyo Saleebaan Xagotoosiye.

Wasiirada Somaliland ayaa ku mashquulsan sidii ay isugu keeni lahaayeen waxgaradka labada beelood ee dagaalku dhex maray, Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno Laascaanood.

Xukuumada Puntland kama gelin wax dadaal ah daminta dabka ka qarxay Dharkayn-Geenyo, Marka laga reebo baaq nabadeed oo uu hawada mariyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Karaash.

Siilaanyo iyo Gaas.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka faa’iideysanaya bilashada bisha Ramadaan ayaa fariin xambaarsan baaq nabadeed u diray 5 Jun, labada beelood ee walaalaha ah.

Siilaanyo iyo Gaas.
Siilaanyo iyo Gaas.

“Dagaalkaasi wuxuu keenay khasaare lixaad leh oo naf iyo maalba leh oo qarankeena dhaawac ku ah, Waxaan ku baaqayaa in deg deg colaada loo joojiyo caqliga wanaagsanina taliyo” Ayuu yiri Siilaanyo.

Ka Xukuumad ahaan waxaa naga go’an in aanan waxba kala harin sidii ay colaadu isku taagi lahayd, Waana muhiim in la karaameeyo oo la xurmeeyo bisha barakaysan ee Ramadaan, Ayuu ku sii daray hadalkiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaa goor danbe diray fariin la dhigan tan Siilaanyo,  Isagoo ku baaqay in colaada la joojiyo.

Gaas wuxuu balan qaaday mar uu shalay (9 Jun) shir jaraa’id ku qabtay Garoowe in Xukuumadiisu gacan ka geysan doonto sidii xal waara loogu heli lahaa colaada Dharkayn-Geenyo.

Falanqayn.

Somaliland iyo Puntland si siman ayey u aaminsan yihiin in beesha Bahararsame oo ka mid ah labada beelood ee dirirtu dhexmartay ay khatar ku tahay degenaanshahooda maadaama ay si weyn u taageerto Khaatumo, Sida uu fahansanyahay Faaqidaad.

Xukuumada Siilaanyo waxay qiime kasta u huraysaa sidii ay ku hanan lahayd quluubta beelaha Degan Gobolada lagu muransanyahay. Hargaysa markasta waxay mudnaanta koowaad siinaysaa helitaanka taageerayaasha ugu badan.


Puntland kama laha Goboladaas ujeedooyin sii durugsan, Sidaa darteed Garoowe micne badan uma samaynayso baaxada taageero ee ay ku leeyihiin Sool iyo Sanaag.

Sida deg’deg ah ee Somaliland uga jawaabtay colaada Dharkayn-Geenyo iyo baaqa Puntland ee hawada la sii mariyey, Waa astaan muujinaysa sida loogu kala adkaaday joogitaanka iyo galaangalka Sool, Sida uu fahansanyahay Faaqidaad.

HOOS KA DAAWO FARIINTA SIILAANYO IYO GAAS.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.