Somaliland oo la wareegtay orodyahan caan ah

Somaliland waxay ku guulaysatay inay si rasmi ah ula soo wareegto orodyahan Cali Khaliif Galayr, sida lagu shaaciyey shir jaraa’id oo Sabtidii lagu qabtay Hargeysa.


Somaliland mudo dheer ayey ku talo jirtay sidii ay ula soo wareegi lahayd Cali Khaliif Galayr oo hogaanka u haya Khaatumo kulana baxay xirfada orodka Cali Bile.

Ciidanka Somaliland waxay dhowr jeer ku guuldaraysteen inay soo qabtaan Galayr kadib markii uu labo cagood ugu been sheegay uuna orod kaga gudbay xadka Itoobiya.

Faysal Cali Waraabe wuxuu door muhiim ah ku lahaa la soo wareegida Galayr.
Faysal Cali Waraabe wuxuu door muhiim ah ku lahaa la soo wareegida Galayr.

Hawlgaladaas ciidan ee fashilmay ayaa ku riixay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo inay u marto dariiq diblumaasiyadeed la soo wareegida orodyahankan caanka ah.

Wadaxaajood socday hal sano iyo xadi lacageed oo dhan Sadex milyan oo doolar ayuu ugu kacay heshiiskani Hargeysa, sida uu fahansanyahay Faaqidaad.


Somaliland waxay aaminsantahay inuu gacan ka geysan karo sidii loogu guulaysan lahaa weerarka ay ku hayso Gobolada Sool iyo Sanaag loona qaadi lahaa koobka ictiraafka.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.