Somaliland oo ka hadashay warar sheegaya in Sh. Shiriif & Faroole ku wajahanyihiin Hargeysa

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayey in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shiriif Sh. Axmed iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ay ku wajahanyihiin Hargeysa si ay uga qayb galaan xuska 18 May.

“Waxaan maqlayey halkan baa lagu casumayaa Sh. Shiriif, Cabdiraxmaan Faroole iyo waxyaabo badan oo ku tiri ku teen ah, Arrimahaasna waxaan leeyahay waxba kama jiraan” Ayuu yiri Wasiir Xaashi.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi.

Laakiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Gudoomiyaha Gudiga qaban qaabada xuska 18 May Cali Maxamed Warancade oo maalinimadii shalay mar warbaahintu wax ka weydiisay in Sh. Shiriif iyo Faroole ay ka soo qayb geli doonaan dabaal degaas ayaa ka gaabsaday inuu beeniyo.

“Dadka imanaya waxaa loo daayey Wasaaradda Arrimaha Dibada marka weli liiskii nooma aysan soo gudbin” Ayuu ku gaabsaday Wasiir Warancade.

Soomaaliland ayaa sanadkan u dabaal degaysa 25 sano guuradii ka soo wareegtey markii ay iskeed ugu dhawaaqday inay ka goosatay dalka Soomaaliya intiisii kale 18 May, 1991 laakiin mudadaas kuma guulaysan helitaanka aqoonsi caalami ah.

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa qorshaynaysa in sanadkan dabaal degaas kor loo qaado si ay u soo jiitaan rayul caamka guud ee dunida.

Hablo ku lebisan calanka Somaliland.
Hablo ku lebisan calanka Somaliland.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.